Daraasad Cusub oo Lagu Ogaaday in Idaacada BBC ee Caalamku ay Tahay ta loogu dhagaysiga badan yahay Dalka Soomaaliya Iyo Xaqiiqo laga tagay
London 14 April 2015 (SDN/QJ)- “Ku dhowaad labadii qofba mid dadka qaangaarka ah ee Soomaaliya, wuxuu dhagaystaa raadiyaha BBC Soomaali” sidaas waxaa lagu ogaaday daraasad la sameeyay.
Daraasadda ayaa sidoo kale cadaysay in BBC ay tahay warbaahinta loogu aaminaad badan yahay Soomaaliya, waxaana loo arkaa warbaahinta caalamiga tan ugu munaasabsan, isla markaana warka sida ugu haboon u gudbisa.
Sida ay xusayso xogta la uruuriyay, waxaa sii kordhay tirada dhagaystayaasha Raadiyaha gudaha Soomaaliya, iyadoo kala bar dadka raadiye dhagaystaa ay ku taxan yihiin. Barnaamijyada Raadiyaha BBC waxaa dhagaysta 1.7 milyan, Raadiyaha BBC World Service, wuxuu noqday raadiyaha caalamiga ah ee dalka loogu dhagaysiga badan yahay.
Soomaaliya, waxaa BBC lagu dhagaystaa luqadaha Soomaaliga, Ingiriiska iyo Carabiga. Inta ugu badan dhagaystayaasha raadiyaha BBC ee gudaha Soomaaliya, waxay dhagaystaan barnaamijyada BBC ee afka Soomaaliga.
Tifaftiraha BBC ee laamaha Africa, Solomon Mugera, ayaa yidhii: “Dhagaysiga Raadiyaha waa kan ugu caansan nidaamyada warbaahinta ee ka jira dalkaas, waa il wareed aad muhiim uga ah dalka Soomaaliya, waa wax aad u wanaagsan in la arko in dadwaynuhu u soo raadsanayaan BBC warar iyo xog ay aad u aaminsan yihiin. Natiijada ka soo baxday daraasadan waxay muujinaysaa BBC Soomaali in ay ku xoog badan tahay Soomaaliya – waxaa la mid ah laamaha kale ee BBC – waxay dhagaystayaasha gobolku u arkaan BBC ilmwareed muhiim ah, oo laga helo warar aan dhinacna u xaglinayn, kana helaya warbixinno iyo faallooyin munaasab ah.”
Waxaa maalin walba ka baxa BBC Laanta Af-Soomaaliga laba saac iyo bar warar iyo faahfaahin arrimaha dunida ka taagan. Barnaamijyada waxaa ka mid ah: Waxay ila tahay oo ah barnaamij saacad socda oo baxa maalinta Jimcaha. Waxaa looga doodaa mowduucyada ugu kulul ee todobaadka, waxaana ka qaybgala khubarro iyo dhagaystayaasha baraha bulshada sida wicitaanka telefoonada, Facebook iyo codadka la sii duubo. 15 daqiiqo oo barnaamijka Cayaaraha ah, oo baxa maalinta Isniinta, waxaa lagu soo qaataa wararka cayaaraha todobaadka ugu waawaynaa ee gobolka iyo dunidaba.
Ilaa 70% dhagaystayaasha Soomaaliya, waxay barnaamijyada BBC ku dhagaystaan FM, iyadoo sadex meelood meel ay telefoonada gacanta ka helaan barnaamijyada. Sidoo kale in ka badan kala bar macaamiisha bogga bbcsomali.com, waxay barnaamijyada ka soo galaan telefoonada gacanta. BBC Soomaali, ayaa sidoo kale dhagaystayaasha kula xiriirta baraha bulshada sida – Twitter @bbcsomali, Instagram @bbcsomali iyo Bogga BBC Soomaali Facebook.
Raadiyaha BBC World Service, waxaa laga heli karaa mowjadaha gaagaaban iyo iyadoo laga dhagaysan karo xarumaha FM-yada iskaashiga la leh BBC, sida raadiyaha Daljir, Raadiyaha Shabeelle, Star FM iyo SBC. Dhagaystayaashu, waxay naga heli karaan internet-ka iyo telefoonada gacanta.
BBC Somali, waxay dhagaystayaal xoog leh ku leedahay oo kale meelo ka baxsan Soomaaliya, sida Soomaalida dunida oo dhan ku kala firirsan ee qurbo-joogta. Dalka Kenya 810,000 qof, ayaa raadiyaha BBC Soomaali dhagaysa todobaad walba.
Xogta cusub ee ku saabsan dhagaysiga BBC ee Soomaaliya (oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland), waxaa lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay warbaahinta qaranka intii u dhaxaysay May iyo July, 2014.
Inkastoo daraasadan ay BBC Soo saartay ay Kor u qaaday Tirada dhagaystayaasha Somalida hadana dad badan ayaa aaminsan in Minqiyaaskani aanu ka Turjumayn Xaalada dhabta ah waxay doodahani sheegayaan in BBC Somali ay haatan ku Jirto Marxalad tii ugu Xumayd ee Soo Marta Kadib Markii Idaacadu noqotay Mid Cida Warka dadka u tebinaysaa ay Luuqad ahaan Wanaagsanayn,Halka Tibaaxuhu sheegayaan in Tayada barnaamijyada Idaacadu uu Hoos u dhacay Isla markaana ay hawada ka baxeen Barnaamijyo Si Xidhiidh ah dadweynuhu ula socon jireen Sida Qarnigii Tagay iyo Taariikhda Somalida, Barnaamijkii amuuraha Africa,Fanka iyo Suugaanta,Xoolaha iyo Kuwo kale taas badalkeedana ay buuxiyeen Dadka Warkooda la doonayo amase baafinta.
Halkan Hoose Guji Hadii aad Leedahay Facebook oo nala daalaco Aragtida Bulshada ee Daraasadan Idaacada BBC
GUJI HALKAN ISLA MARKAANA ILA DAALACO AFKAARTA DADWEYNAHA EE WARKAN
london SDN/QJ