Daraasad Cusub Oo Lagu Cadeeyay In Madax Xannuunka Haweenku Kaga Badan yihiin Ragga
Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxa ku dhaca dadka badankooda noocyo kala duwan oo ka mid ah madax xannuunka sida dhanjafka oo kale ama madax xannuun dhamaystiran, balse waxa la sheegay in haweenku had iyo jeer ay kaga badan yihiin madax xannuunka marka loo eego ragga, sida ay sheegtay daraasad cusub oo dhawaan la soo bandhigay.
Waxaanay daraasadani xustay inay haweenku madaxa xannuunka kaga badan yihiin ragga saddex-laab, gaar ahaan marka loo eego noociisa aynu u naqaano dhanjafka, kaasoo sababa xannuun badan mararka qaarkoodna saamayn ku yeesha ilaa wadnaha qofka iyo waliba matag fara badan iyo indho xannuun.
Haddaba daraasaddan oo ay soo bandhigtay Daily Mail ayaa waxay sheegaysaa in haweenku u nugul yihiin madax xannuunka xad dhaafka ah kaasoo laga yaabo in bishii 15maalmood uu ku soo noqnoqdo.
Haween lagu sameeyay baadhis la xidhiidha daraasaddan ayaa lagu cadeeyay in 52% xilligii la baadhay uu aad ugu badnaa madax xannuunku kaasoo ahaa mid soo noqnoqday bil gudaheed, gaar ahaan dhanjafka, halka ay 37% oo kaliya ahaayeen ragga ka cawday madax xannuunka guud ahaantiisba.
Haddaba waxa haatan lagu hawlan yahay daraasad cusub oo xigi doonta tan oo lagu raadin doono jaawaabta su’aasha ah Maxaa sababay in haweenku madax xannuunka kaga bataan ragga?.