|

DANTA KULMIYE MA WADAAN WASIIRADA DEG-DEGAYAA WAA WIXII UDUB DILEY!!!!!

Marka hore waxaan salaan u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba. Salaan ka dib. Waxaan jecelahay inaan halkan ka dhiibto hadal kooban oo isugu jira talo iyo hogo-tusaalayn. Waxa wax aad looga xishoodo ah buuqa, isdhexyaaca iyo kala dambeyn la’aanta ka aloosantay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Taas oo u muuqata ama salka ku haysa inay ka bilaabatay koox wasiiro ah oo musdambeedkana u fadhido madaxtooyadu, Kuna dhaqaaqay talabooyin xaalad-abuura. Kadib markay tageereen go’ankii deg-degga ahaa ee Guddigii qaban-qaabada shirweynihii saddexaad ee xisbiga Kulmiye. Kaas oo aan loo wada dhamayn, kana maqnayeen xubno culculus, sida Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR. Go’aankaas oo ay diideen hogaanka sare ee Xisbigu madaama aanu go’aankaasu waafaqsanayn dastuurka iyo xeer hoosaadka xisbigaba, sida uu sheegay Guddoomiye ku Xigeenka Kowaad ee xisbiga Kulmiye Muj. MAXAMED KAAHIN.

 

Waxay u muuqataa haddii aan xalka ama dawada arrinkan cakiran aan si wada jira loo raadin oo ay daacadnimo ku dheehan tahay, in ay halkaa ku wiiqanto wada jirkii iyo awoodii uu lahaa xisbiga kulmiye, kalana fogaadaan dowlada, iyo xisbigu. Waxaana meesha ka baxaysa kalsoonidii shacbigu ku qabay dawlada iyo xisbigaba, sidii horeba ugu dhacday xisbul xaakimkii hore ee UDUB. Maahmaah Soomaliyeed ayaa odhanaysa “ taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa”. Khilaafkan ay abuureen kooxda wasiirada ah ee gacan-saarka la leh madaxtooyadu wuxuu salka ku hayaa inay ka biyo dideen hanka siyasadeed ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. MUUSE BIIXI CABDI uu ku sheegay inuu u tartamaayo murashaxa madaxweynanimo ee Kulmiye ee doorashada Madaxtooyada soo socota. Taas oo waafaqsan hanaanka dimoqraadiyada Somaliland. Waxaanan haddalkaygii ku soo gabagabaynayaa kuna talinayaa in xisbiga Kulmiye dib isugu noqdo, talada xisbigana loo daba-fadhiisto hoggaanka xisbiga ee la doortay iyo guddigiisa fulinta. Lana hakiyo liiska magacyada golaha dhexe ee lagu degdegay khilaafkana kiciyey ilaa inta laga gaadhayo go’aan laysku waafaqsan yahay. Arrinkana lagu soo afjaro si aan caadifaysnayn, kooxasnayn, qabyaaladana laga fogeeyey si loo helo xal caafimaad qaba. Waxaan mar labaad leeyahay kooxda wasiirada ah ee ku bahoobay ka hor istaaga madaxtinimo Muuse Bixi Cabdi. Muj. Muuse wuxu ahaa saraaakiishii hogaaminaysay SNM, waxaanu soo maray xil-wasiirnimo, imikana mudo dheer ahaa Gudoomiyaha Kulmiye. Waxaan u sheegayaa wasiirada Muj. Muuse wuu hanan karaa xilka Madaxweynenimo ee Somaliland. Gabayaagii Dheeg baa waxa laga hayaa “ Ragow quruska Eeba baxshee sharata qiimeeya “ Waxan idin leeyahay waa siyaasadii qarnigee haka dhicina salaamada qaar lagu siibtaa jiree.

 

Waxa iyana fool-xumo ah sida sharaf ka qaadka ah ee xilkii looga xayuubiyey Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR. Taas oo aad moodo in Dr. Maxamed lagula dhacay cadho, iyo go’aan deg-degga oo aan laga fiirsan,iyadoo loo aanaynayo inuu ku dhow-dhow yahay Hoggaanka Kulmiye ama uu ka fikir duwanaaday wasiirada xambaarsan damaca madaxtooyada. Dr. MAXAMED CABDILLAAHI miyaanu ahayn Wasiirkii uu Madaxweynuhu ku dhaadan jiray ee uu hore uga yidhi London “ MAXAMED CABDILAAHI waa wasiir aan jecelahay, kuna kalsoonahay, weligayna bedelimaayo mar uu Madaxwaynuhu u jawaabayey Muj. MAXAMED HAARUUN”.

 

 

DHULKEENA NIMCAA FADHIDA EE AAN DHOWRANO

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

Samia Fisher,Ottawa-Canada

 

Comments are closed