|

Danjirihii Hore ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsanaa Somalia Iyo Somaliland Agustina Mahiga oo Noqday Wasiirka Arrimaha Dibada ee Tansaaniya

Nairobi 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Tansaaniya ayaa gole cusub oo xukuumadeed oo uu magacaabay waxa ka dhex muuqday ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somaliland iyo Somaliya danjire Agustine Mahiga.

mahiga
Danjire Augustine Mahiga, waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Tansaaniya, waxaanu Mahiga hore u ahaan jiray safiirka wadanka Tansaaniya u qaabilsan Qaramada Midoobay, waana diblomaasi khabiir ku ah arrimaha xidhiidhka caalamiga ah.

Geesta kale xukuumadda uu dhisay madaxweyne John Magufuli ayaa lagu tilmaamay xukuumad tiro yar balse tayo leh, waxaana ka dhex muuqda xubno ka tirsanaa xukuumadii hore. Sababta uu u dhisay xukuumadda kooban wuxuu ku sheegay mid uu ku dhimayo kharashaadka badan islamarkaana uu ku dardar gelinayo dawladda.

Comments are closed