|

Danjire Kay oo soo dhaweeyay maamul ay yeeshaan Mudug iyo Galgaduu

Nairobi 31.July 2014 (SDN/QJ)- Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska hal maamul looga dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

nicholas kayKay ayaa sheegay in talaabadan ay muujineyso hirgalinta nidaamka federalka oo ah in laxoojiyo dhismaha maamullada gobollada dalka.

Ergeyga ayaa sidoo kale xusay in dhisidda maamul loo dhan yahay lagu gaari karo oo kaliya wadahadal iyo iskaashi ay yeeshaan dhinacyada ay quseyso.

Wuxuu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay tageeridda dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed