|

Danjire Kay Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo DAAWO

Hargeysa,19Dec,015(QJ/SDN)-Nicholas Kay, danjirihii qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo madax xukumaddiisa ka tirsan.

Socdaalka Mr Kay ku yimid Hargeysa ayaa ah mid sii sabootin ah, kadib markii dhawaan xilkaasi laga bedelay. Waxa uu ka mahadceliyay mudadii uu soo hayay xilka, inkasta oo intii badnayd Somaliland iyo Kay xidhiidhkoodu fiicnayn, wuxuu rajeeyay in Somaliland horumar gaadho, islamarkaana doorashada soo socotaa si wacan u qabsoonto.

Wasiirka khaarajiga ayaa sidoo kale sheegay inay arrimo door ah oo doorashadu ugu horayso ay kala hadleen, una sheegeen inaanay Somaliland qayb ka ahayn qorshaha Soomaaliya ee 2016-ka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Kay;

Comments are closed