Danjire Kay Oo Ka Hadlay Xiisadda Ka Aloosan Deegaanada Sool iyo Sanaag Ee U Dhaxaysa Puntland iyo Somaliland
Nairobi:25-March-2014(SDN)-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.
Amb. Kay oo ka hadlayay Shir ay yeelanayeen Guddiga nabadgalyada iyo amaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisada ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo ay masuuliyiinta labada dhinac is weydaarsadeen eedaymo kulkulul.
‘’ Waxaan ka walaacsanahay xiisada milateri ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu yeedhayaa deganaansho iyo in laga hortago iska hor imaad,’’ ayuu ku yidhi .
Xiisada ka dhex aloosan labada dhinac ayaa timid kadib markii todobaadkii hore uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo uu booqasho qarsoodi ah ku tegay degmada Laasqoray, taas oo keentay innay Maamulka Puntland ay si weyn uga qayliyaan Booqashadaas.
Arrintaas ayaa sababtay in Dowladda Puntland ay ciidan geyso xuduuddaheeda gobolka Sanaag, waxaana sidoo kale ciidamo soo dhoobay gobolka Sanaag Somaliland, taas oo warwar gelisay Dadka Deegaankaas.
S.D.N