Danjiraha Masar U Magacawday Somaliya Oo Muqdisha U Ambabaxaya
Qahira:5-Nov-2013(SDN)-Danjiraha Dawladda Masar u Fadhiyi Doona Somaliya Maxamuud Coof, ayaa ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.
Safiirkan oo Haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa la filayaa inuu wakhtiyada soo socda uu u duulo Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku sugnaan Doono, maadaama uu ahaan Doono Danjiraha Masar u fadhiyi Doona Soomaaliya.
Ku dhowaad 22-sano ma jirin safiir Masar ugu xilsaran Soomaliya, hase yeeshee waxaa jiray xubno ergo ah oo masaari ah oo fadhigoda yahay Nairobi oo la socday arimaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Bishii June ayaa la soo dhaafay ayaa la magacabay safiirka cusub ee Masar , safarada masar ee caasimada ay ku leedahay waxaa furay wasiirki hore arrimaha dibada Maxamed Kamil Camar.
S.D.N
Contact@somalidiasproranews.com