Danjiraha Cusub Ee Ingiriisku U Magacaabay Soomaaliya Oo Gaadhay Muqdisho, Kana Hadlay Xaaladda Soomaaliya
Muqdisho 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Safiirka Cusub ee Dawladda Ingiriisku u soo Magacowday Dalka Soomaaliya David Concar, ayaa Maanta gaadhay Magaalada Muqdisho.
Safiirka Cusub ayaa beddelaya Safiirkii hore ee Ingiriiska u joogay Soomaaliya Harriet Matthew, taasi muddooyinkii u dambeeyay haysay Xilka Safiirnimo, laakiin arrimo kale oo Diblumaasiyadeed u wareegaysa sida Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Britain hore u sheegtay.
Danjiraha cusub ee dhawaan Ingiriisku u soo magacaawday Soomaaliya David Concar oo noqonaya kii Saddexaad ee Dawladda UK u soo Magacowday Soomaaliya tan iyo markii dib loo furay safaaradda Britain ee Soomaaliya sanadkii 2013-ka.
Danjire David Concar oo ka hadlay Safarkiisa Muqdisho, ayaa yidhi, “’Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa xilli doorasho, mudnaanta koowaad waxaan siin doonnaa in aan hubino sii socoshada taageerada iyo wada shaqeynta Britian la leedahayo Soomaaliya si loogu guuleysto horumarrada la sameynayo’’
Danjire David Concar, ayaa Xilka Safiirnimo Maalmaha soo socda kala wareegaya Safiirkii hore ee Ingiriiska u joogay Dalka Soomaaliya haweenayda lagu Magacaabo Harriet Matthew.