Danjira Mahiiga oo si kulul u canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Soomaaliya
Muqdisho Feb 19 2013 (SDN)– Warqoraal ah oo ka soo baxay xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS),ayaa lagu dhaleeceeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya inta lagu guda jiro bilowga iyo bartamaha bishan February 2013,oo ay ka mid tahay dilkii Magaalada Garoowe loogu geystay Sheikh Abdiqadir Nur Farah, “Ga’amey”.
Sidoo kale warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska UNPOS ee Muqdisho,ayaa lagu tilmaamay in shirqoolka dilka Dr. Nur Farah uu imaanayo waxyar un kadib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Boliiska Maamulka Puntland.
Iyadoo weerarada ay dhaceyn bishan gudaheeda ayaa hadana waxaa dhanka kale warbixinta ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu canbaareeyay weerarkii ismiidaminta ah isna loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo isku qarxiyay baarka Liido ee Magaalada Muqdisho.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga,ayaa ehalada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Mas’uuliyiintaasi ugu tacsiyadeeyay.
Mahiga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumada Soomaaliya si looga mira dhaliyo hadafka ah gaaritaanka Nabad waarta iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada ka dhanka amaanka ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka Ka dhaca.
Ergayg gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska UNPOS uu garab taagan yahay shacabka iyo xukuumada Soomaaliya si cadaalada loo horkeeno dadka ku mashquulsan carqaladeynta amaanka dalka,
Isagoona dhanka kale sheegay in dhankooda ahmiyada koowaad ay siinayaan in Nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya oo haatan wadadii Hormarka cagta saartay.
Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan weeraro qorsheysan oo isugu jira dilal bareer ah iyo Qaraxyo ay ka dhaceen qeybo ka tirsan Dalka Soomaaliya.
SDN-Muqdisho