Danjire Cawli Oo Ka Hadlay Loollanka Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Beelaha Sacad Muuse Ugu Jiraan Hoggaanka Dalka Ee Aan Muddadiisa La Gaadhin
Hargeysa:Dec,27,2014(SDN/QJ)-Xuseen Cali Ducaale(Cawil) oo ahaa wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay hirdanka iyo loollanka ka dhex aloosan Guddoomiye Muuse Biixi, Wasiir Samaale iyo Waliba Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo maalmahan saaxadda siyaasadda Dalka si weyn looga Dareemayo. Danjire Cawil oo aan looga Baran inuu arrimaha Siyaasadda Ka Hadlo, ayaa sheegay inaan xilligan loo baahnayn jaahwareerka Saddexdaas siyaasi ay bulshada kala dhex dhigeen, isla-markaana aanla gaadhin xilligii ay xaaladdan oo kale dadka iyo dalka gelin lahaayeen. Danjire Cawil oo isagoo Nairobi Jooga u Waramay Geeska Africa, waxa uu sheegay inaanay siyaasaddu halkan taagnaan Karin 5 sanno ka dibna wax badan isbedeli karaan. “Madaxweyne ayaa musharax ah, xisbiigina Nin baa gudoomiye ka ah, maxaa la isku haystaa markaas.Waa inay siyaasiyiintu tidhaahdo arrintu wakhtigeedii ma joogto,Muuse iyo Samaale haddii ay leeyihiinSalaaddiin ayaanu reerka u noqonaynaa waa wax kale, haddiise ay siyaasad tahay wakhtigeedii lama joogo oo shan sannadood ka dib waxyaabo badan ayaa is bedelaya oo siyaasadu meel ma taagna.Wejiyaal kale oo aan waxba u ogayn ayaa iman kara” Danjire Cawil waxa uu siyaasiyiinta kula taliyay inaanay kala qabin Bulshada ay ka soo jeedaan “Markaas wa in reerka kala qaybinta iyo mashruucan laga samaysanayo laga daayo si aan dadkuu kala qaybsamin, ilayn haddii ay beeluhu kala qaybsamaan qaranka ayaa kala qaybsamayee.markaa waa inaan umadda la kala qaybin oo aan lagu jaah-wareerin waxaan dhawayn iyo siyaasad aan wakhtigeedii la Joogin” Loolan kala qaybiyay Beesha Sacad Muuse ee saddexdan siyaasi ka soo kala jeedaan ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosnaa beesha iyadoo la isku maandhaafay kala reebista saddexdan siyaasi.Muuse Biixi ayaa ku niyadsan in lagu kala reebo saddexdooda beesha dhexdeeda,halka Maxamed Biixi iyo Samaale ku doodayaan in Xisbigu xaq u leeyahay kala reebista.
SDN/QJ