Damaanad loo diiday Afar Eedaysane Somalia ah oo loo haysto Weerarkii Westgate
Nairobi 04.Dec 2013 (SDN)- Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa u diidday in damiin lagu sii daayo afar nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay caawiyeen dableydii weerartay xarunta dukaamada Westgate ee magaalada Nairobi bishii September.
Qaalliga sare ee Nairobi Kiarie Waweru Kiarie ayaa sababta uu ugu diiday in damiin lagu sii daayo eedeysanayaasha Soomaalida ku tilmaamay inuu ka cabsanayo inay carqaladeeyaan baaritaanka lagu hayo weerarkii Westgate.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uliyadda weerarka oo ay ku dhinteen ugu yaraan 67 qof.
Afarta nin ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullaahi Cumar, Xuseen Xasan iyo Adan Maxamed Ibraahim.
November 4 ayaa afarta nin lagu eedeeyay inay taageereen fal argagaxiso. Eedo kale oo loo jeediyay waxaa ka mid ah inay taageero isugu jirta hooy iyo dukumeentiyo aqoonsi oo been-abuur ah siiyeen qaar ka tirsan raggii weerarka geystay.
Maxkamadayntooda ayaa billaabanaysa January 15, sida ay sheegtay maxkamadda. Nimanka ayaa lagu hayn doona xabsiga tan iyo inta laga gaarayo xilligaas.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com