|

Dalxiisayasha Caalamka oo Qeexay Waddamada aan u Qalmin in loo Dalxiis tago iyo Sababta Keentay

London 10.July 2016 (SDN/QJ):- Website-ka caanka ah ee bulshadu ku jawaab celiso ee Reddit, ayaa waxa la isku waydiiyay waddanmada aan ku habboonayn in dib danbe loo booqdo iyo sababta.

tourism-f-150x150Jawaabtii kumanaan qof waxaa kasoo baxay waddamo dhowr ah oo booqashadooda la nebcaystay iyo sababta loo booqan waayay.

Haddaba jawaabaha la bixiyay ee loo batay qaarkood dalalkooda waa ka xanaajinayaan hayeeshee runta ayay taabanayaan iyo waaqiciga ka jira.

Tusaale, dalxiise kusoo gala “gogojakc” ayaa sidan yiri

“ Run ahaantii kama helin dalka Bahamas. Dalku waa qurux badan yahay,laakiin qof walba wuxuu rabaa inaad lacag siisid, ama khidmad lacagta lagu sharfo qofka wax qabta. Tan kale waxaad mooddaa inaysan jeclayn dalxiisayaasha”

Haddaba hoos ka akhriso marka la isku soo duubo sida waddamada faallada looga dhiibay

The full breakdown of countries by reason (approximated) is as follows:

Uma jil jilicsana Dalxiisayaasha: Albania, Malaysia, Mauritania, Solomon Islands, Thailand, The Bahamas, Tunisia, Vietnam

Tuugsiga ku badan: Belize, Mexico

Waa lagu caajisaa: Finland, France, Luxembourg, Slovakia

Khatar baa ka jirta: Croatia, Honduras, Somalia, Venezuela

Wasakh miiran: Cuba, Russia, India, Indonesia, Philippines

Maciishaddaa Qaali ah: Denmark, Norway, Slovenia

Qaylo badan: Italy

Fakhri ba’an baa ka jira: Haiti, Jamaica, Paraguay

Cunsuriyad baa ka jirta: United States

Dad qab wayn: Czech Republic, Greece, Lebanon, Romania, Saudi Arabia, Switzerland, Turkey

Dumarkaa lagu xad gudbaa: Egypt, Morocco, Swaziland

Dad la fahmo maahan: Cambodia

Musqulaha aya dhib ka jirtaa: China

Aad u qabow caajisna ah: Canada

Dagaal baa ka jira: Afghanistan, Iraq, Syria, Yemen

Dad qallafsan: Japan, South Korea

Xigasho: Independent.co.uk

Comments are closed