|

Dalxiisayaal keyn kala kulmay argagax Waa Maxay sababtu?

Ohio   04 January, 2016 (SDN/QJ): – koox Dalxiisayaal ah ayaa argagax kala kulmay geed gubanaya, xilli ay dalxiis ku marayeen keyn ku taal gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka.

burnt forestSida ka muuqata muuqaal laga sameeyey gubashada Geedkan ayey ka muuqata dab ka baxaya gudaha geed weyn, balse aanu dabkaasi u soo gudbayn xagga sare ee Geedka.

 

Muuqaalka laga duubay ayey laga arkaa midab liinta ee dabka oo oogada sare ee geedka ka bilaabmaya una socda dhinaca hoose, balse dabkaa ayaan meelna uga sii gudbayn gudaha geedkan.

Sababta keentay gubashada Geedkan oo aan la garanayn, ayaa dad daawaday muuqaalka geedkan gubanaya oo fikrado kala duwan ka bixiyey qaarkood sheegeen inuu yahay geed sheydaan.

“Sidee ayey u dhacday arrinkan? Ayuu qof kale ku sheegay fikraddiisa. “waa dab ka bilaabmaya oogada sare ee geedka ilaa gunta”

Dalxiisayaasha ayaa loogu baaqay inay ka cararaan agagaarka Geedkan, waxaana muuqaalka gubashada Geedkan oo baraha bulshada la geliyey daawaday dad gaadhaya ilaa saddex boqol oo kun.

Comments are closed