|

Dallada SONSAF oo talooyin dhawr ah ka soosaartay cabashada ka dhalatay go’aankii Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Somaliland

Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Dallada ay ku bahoobeen ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland oo magaceeda loo soo gaabiyo SONSAF, ayaa talooyin dhawr ah ka soosaartay cabashada ka dhalatay go’aankii ay guddiga Diiwaangelintu ka soosaareen kala-reebistii ururada siyaasadda ee cusub.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray guddoomiyaha dallada jilayaasha aan dawliga ah, Aaden Xaaji Cali, SONSAF waxay ku baaqday in la dhegaysto tabashada ay muujiyeen 9-ka urur-siyaasadeed ee la sheegay inay hadheen, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Ururada aan dawliga ahayn wax aay ugu baaqaayaan Hay’addaha ay khusayso inay dhagaysataan oo ay xaliyaan tabashada Ururada siyaasada ee Gudida Diwaangalintu ay yidhaahdeen shuruudii may buuxin oo way hadheen.

Ururuda hadhayna waxa ay ugu baaqayaa in ay xaqooda ku raadsadaan hab nabad  ah iyaga oo u maraaya wadada sharciga ah.

Ilaa iyo intii lagu dhawaaqay Natiijada ururada u soo baxay tartanka Golaha deegaanka ee 20 April, waxa soo baxay cabasho ay muujinayaan ururadii hadhay ee aan buuxin shuruudii looga baahnaaa sida ay sheegeen Gudida Diwaangalinta Qaranku.

SONSAF waxay abaabushey dhawr kulan oo ay isugu keentay Ururrada aan dawliga ahayn si ay u falanqeeyaan, darsaan, tallona-ka-bixiyaan qaabka ugu haboon ee arintaa loo xalin karo.

ka-qaybgalayaashi kulamadu waxa ay soo jeedinayaan talooyinka hoos ku qoran si loo xaliyo arrimahaa xassaasiga ah

· Waxaynu wada ogsoo-nahay in ay Somaliland dhaqan soo jireena u laheyd wada-tashi, is-maqal iyo is-qancin oo ay ku-soo-cana-maashey. Waa hab taarikhi ah oo ay Somaliland dib-u-dhiskeeda, horumarkeeda iyo qarannimadeedaba sal u ahaa.

· Ururudad aan dawliga ahayni waxa ay ku baaqayaan in dhamaan  habka loo marayo geedi socodka Dimiquraadiyadu uu noqdo mid ku sifaysan  hufnaan (transparent),  wada shaqayn  iyo xushmayn loo hayo heshiisyada iyo sharciga dalka u yaala ee aynu ku soo caana maalay

·      Iyadoo isla dhaqnkaa laga amba qaadayo, Ha’addaha ay khusaysa sida Gudidda Diwaan galinta iyo Garsoorku waxa aanu soo jeedinaynaa in cabashad ururada la dhagaysto lagana qanciyo tabashadooda.

·       Dhinaca kale, waxaanu usoo jeedineynaa  Ururuda ay Gudidu sheegtay in ay hadheen in ay  tabashadooda u maraan dariiqa sharciga ah  ee  ay xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah u banaynayaan

·      Ugu dambayn Ururada aan dawliga ahayn waxa ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan xalinta is mariwaagaa si hanaanka Dimiquraadiyada uu hore u sii socdo. Ururuda aan dawliga ahayni waxa ay ku balameen in ay isugu yimaadaan Kulamo kale oo arinkan lagu sii amba qaadayo.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed