|

Dalkii iyo Dadkii Reer Somaliland Oo Lagu Mashquuliyey Musharraxnimada Madaxweynaha iyo Lacagihii Ugu Badnaa Oo Lagu Bixinayo Buun-Buuninta wararkiisa

Hargeysa:June,04,2014(SDN/QJ)-Dhammaanba Shacabka Somaliland eek u dhaqan dalka dibaddiisa iyo Gudihiisa, waxa dhegahooda ka batay oo lagu Mashquuliyey Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo oo madaxtooyadu si weyn ugu Guntatay inay Dadka maskaxdooda ku shaambadayso.

sialArrinta Musharraxnimada madaxweyne Siilaanyo waxa shaqo looga dhigay Warbaahinta Dawladda, iyadoo inta badan aanad warbaahintaas wax war ah oo kale ku arkyanin tan iyo uu madaxweyne Siilaanyo kuu dhawaaqay musharraxnimadiisa.

Madaxtooyada oo ka shidaal qaadanaysa Tartanka Guuxa badan dhaliyey ee uu Guddoomiye Muuse Biixi iclaamiiyey ayaa miciinsatay inay Warbaahinta qaranka ka baahiso caruur, waayeel iyo Haween Lacago la siinayo oo sheegaya wararka ay madaxweynaha musharraxnimadiisa ku taageerayaal, isla-markaana ay ku deedafaynayaan midda uu ku dhawaaqay muuse Biixi Cabdi.

Maaliyaddii ugu badnayn ee la isticmaalo tan iyo wixii ka dambeeyey markii xukuumaddu meel mariinaysay Xeerkii waddooyinka oo ay lacago badan ku bixisay, ayaa Haatan lagu luminayaa  sidii warka musharraxnimada madaxweynaha meel fog loo gaadhsiin lahaa, iyadoo laaluushka iyo lacagta la gaadhsiinayo dadka Deegaanada Fog-fog ku nool ee aan xaaladda dalka waxba kala  soconin.

Sidoo kale arrintani waxay dalka ka abuurtay kala fur-furasho dhinaca Bulshada ah, iyadoo markii hore laga soo bilaabay Gobol-gobol, balse haatan xaalku marayo in la sheego Reer hoose oo Raas ah kuwaas oo sheeganaya inay taageerayaan Musharraxnimada madaxweyne Siilaanyo ee shanta sano ee soo socota.

Habeen iyo maalin waxa Telefishanka qaranka iyo idaacadda ka socda oo safaf ugu jira Warar laga keenay Gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo lagu muujinayo dadweyne Taageersan Madaxweyne Siilaanyo iyo musharraxnimadiisa, taasina wax aka dhashay shaki ah inaanay madaxtooyadu ku kalsoonayn inuu siilaanyo  si caadi ah u heli doono  Kalsoonidii iyo codadkii shacabka ee uu hore u heli jirey.

Loollank ka dhex aloosan kulmiye dhexdiisa ayaa si weyn u wiiqay sumcaddii iyo karaamadii uu madaxweyne Siilaanyo ku lahaa meelo badan oo Somaliland ka mid ah, waxana taas beddelkeeda madaxtooyadu door bidday inay Bulshada wax-ma-garatada ah ee aan xaaladda waxba kala soconin ku qabsato warbaahinta ay gacanta ku hayso, isla-markaana u isticmaasho hantida qaranka.

Guddoomiye Muuse Biixi oo isagu haysta taageero ka muuqata meelo badan oo Somaliland ka mid ah ayaan loo ogolayn in wararkiisa laga baahiyo warbaahinta qaranka, maadaama uu yahya ninka  caddaystay inuu loollan la galo madaxweyne Siilaanyo oo aan hore u filayn inay taasi dhici doonto.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed