“Dalkeenna waatan la leeyahay Nimcaa fadhida, waa lagu kaftamaaba kelmaddaa ,Nimcadaa 54 sano ayeynu dul-taagnayn, wax allaaliyo wax ka soo baxayna weli ma jiro” Wasiirka Macdanta
Hargaysa 15.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay in 54 sannadood la leeyahay dalkeenna nimcaa fadhida, isla maraana aanay jirin illaa hadda wax nimcadaas ka mid ah oo ka soo baxay ama laga soo saaray oo la hayaa, hase-yeeshee, ay rejadu hadda ugu dhawdahay hadal-hayntaasi.
Wasiirka Macdantu waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay hadal ka jeediyey Munaasibad Abaal-marinno lagu guddoonsiiyey 54 qof oo ay ka tirsanaayeen Wasiirro uu ka mid yahay oo Hargeysa lagu qabtay, waxaanu Wasiirku sheegay inay dedaal xooggan ugu jiraan sidii ay u rumoobi lahayd kelmadda lagu kaftamo wakhtiyadan dambe ee ah; ‘Dalkeenna Nimcaa Fadhida’.
“Sidaynu la soconno dalkeenna waatan la leeyahay Nimcaa fadhida, waa lagu kaftamaaba kelmaddaas… Waa la sugayaa oo Nimcadaa 54 sano ayeynu dul-taagnayn, wax allaala wax ka soo baxayna weli ma jiro, waa la seexdaa, waa la toosaa, waa la yimaaddaa. Insha Allaahu waxaannu ku ducaysannaa ‘waar bal idinkuna meesha ha dhaafina intaan meesha wax ka soo bixin. Markaa, runtii waxaannu aad iyo aad ugu rejo weynahay Wasaarad ahaan oo aannu dedaal badan iska saarnay bal in nimcadan fadhida ee laga sheekaynayo wuxuun ka aragno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu sheegay inaanay wax sahlan ahayn soo saarista Shidaalka iyo Macdantu, waxaanu yidhi; “Runtii wax sahlan maaha wax-soo-saarka Macdanta ama Batroolku, hadduu wax sahlan yahay 54 sano ayaa gudohooda lagu soo saari lahaa oo wuxuun aynu ka arki lahayn. Markaa, waxa weeye hawl juhdi iyo dedaal badan u baahan, Wasaaradduna runtii juhdi way iska saartay bal in haddii aanay ka midho-dhalin karayn ugu yaraan inay maalinta midheheeda la goosan karo ay soo dhawayso oo ay dedaal u gasho Insha ALLAAH.”
“Waynu la soconnaa inay Sharaa’ig badani dalkeenna yimaaddeen. Hawshaas xagga Shidaalku waa hawl aad iyo aad u dhibaatooyin badan, caqabado badani horyaallaan, ka midho-dhalinteeduna u baahan yahay juhdi iyo dedaal ka wayn Wasaaradda, juhdigaasi haddii uu noqdo dawladda inteeda kale, hadday Wasaarad Maaliyadeed noqoto iyo hadday Wasaarad Daakhili tahay iyo hadduu Shacabweyne noqdo, haddii uu dhalinyaro noqdo iyo hadduu Madax-dhaqameed noqdaba uu u baahan yahay waa in la wada taageeraa haddii la doonayo inay midha-dhasho.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ducaale.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Haddii maanta aynu yara taabanno halkaynu taagannahay wax soo-saarka, waxaannu dhawaan shaacinnay in Macdan soo-saarka aad mooddo rejadiisu inay soo dhawaanayso, Insha Allaahu waxaan jeclahay inaynu bilaha soo socda ku dhawaaqi doonno Macdan-soo-saarkii ugu horreeyey ee dalkeenna ka soo baxa oo tijaaraya ee dalkeenna laga dhoofiyo inuu soo baxo. Arrintaasi run ahaan arrin muddo laba sannadood ah sahankeeda iyo hawsheeda lagu hawlanaa ayay ahayd, immikana waxaan u malaynayaa inay soo dhawaanayso.”
Mar uu Wasiirka Macdanta iyo Tamartu ka hadlayey rejada dedaallada ay ugu jiraan Shidaal-soo-saarista dalka, waxa uu yidhi; “Hawshii Shidaalka lafteedu waa hawl aannu isleenahay waa laga midho-dhalin karaa, laakiin juhdi weyn bay u baahan tahay, caqabado badanina waa hor-yaallaan, dedaal badanna waa looga baahan yahay dawladda, Wasaaradda iyo ciddii kale ee dalka ahba in aad iyo aad loo taageero arrintaas. Waxaan farriin u gudbinayaa Shacabka Somaliland oo aan leeyahay arrinta Shidaal soo saarku maaha wax sahlan maaha haddii aan la is-garab-taagin oo aan la taageerin, hawl badan baa weli innooga taalla, midhihii maalintaynu goosan lahayn maaha Berri iyo Saaddambe, waa inaynu u dhabar-adaygnaa, waxaan-se jeclahay inay soo dhawaatay maalintii aynu midhaha goosan lahayn.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com