|

‘’Dalkan yar ee Somaliland uma baahna tolaay reer hebelow kursiga I saara, iyo in ummada lagu abaabulo is-xulifaysiyo beeleysan’’ Siyaasi C.kariin Axmed Mooge

Hargaysa 01.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cabdikarin Axmed Mooge ayaa u soo Jeediyey Murashixiinta iyo Hogaanka Sadexda Xisbi ee Somaliland inay ka fogaadaan in Sifo qabiilnimo ay Bulshada kaga raaridaan Mabaa’diida ay Xambaarsan Yihiin,Isagoo Xusay in Hadii Dariiqaas Beelaysan ay raacaan Madaxda Xisbiyadu inay dhaxalsiinayso Mujtamaca Somaliland Kala Furfurnaan iyo Qoqob Soo Kala Dhex Gala.

CABDIKARIIN-AXMED-MOOGEQoraal Kooban oo C.kariin Axmed Mooge Ku Faafiyey Dagalka uu ku leeyahay Shabakada Facebook ayaa u dhignaa Sidan:-

‘’Weynu soo arragney marka qabiilooyinku ku tartamaan awooda iyo cawaaqib xumada ka dhalata, weynu aragnaa waxa ka dhacaya South Sudan waana cashar weyn oo u baahan in aynu wax ka barano!! Wakhtigii qabiil lagu awr kacsan jiray lama joogo mana aha in dadka lagu soo jiito oo lagu abaabulo arimo qabiilaysan.

Dalkan yar ee Somaliland uma baahna tolaay reer hebelow kursiga I saara iyo in ummada lagu abaabulo arimo qabiilaysan iyo is-xulifaysiyo beeleysan. Marka ummada lagu abaabulo qabiilka iyo arimaha beelaha wey adkaata in ummada dib laysugu keeno oo ummadu waxay noqotaa ummad kala daadsan sidaas darteet waxaan ugu baqayaa raga dalkan doonaya in ay hogaamiyaan in ay ka fiirsadaan in ay dadka u kala qaybiyaan beelo.

Waa in aan noqonaa ummad dooda oo aragtiyo ku tartanta, waana in raga tartamayaa soo bandhigaan sababta uu musharax kasta ugaga mudanyahay musharaxa kale in uu dalkan hogaamiyo iyo waliba xallalka uu u hayo mushakilaadka ina haysata ee aan ka xusi karno shaqo-la’aanta dhalinyarada, tayaynta waxbarashada dawliga ah, faqriga, abarahan soo noqnoqqonayaa, biyo la’aanta, dhaqaalaha, suulinta musuqa iyo qabyaalada, arimaha cadaalada, mushkilada dhulka IWM

Asxaabta iyo musharixiintooduba waa in ay ka fogadaan hadalada ummada kala geynayaa iyo abaabulka shirarka beelaha iyo in ummada loo abaabulo qaab qabiilaysan waayo hadii aynu dib ugu noqono nidaamkii beelaha taasi waxay meesha ka saari doonta jiritaanka asxaabta qaranka oo marka horeba loo samaystay in lagaga guuro nidaamkaa beelaha. Hadii asxaabtu dabada galiyaan beelaha taasi macnaheedu waxay noqonaysaa in aad ku fashilanteen in aad noqotaan asxaab qaran.

Comments are closed