Dalka Yemen Oo Arin Aad U Naxdin Badan Laga Soo Sheegayo (Tolow Maxay Tahay??
Sanca 14. July 2017 (SDN/QJ):- UNICEF oo ah Hay’adda Qaramadda Midoobey u qaabilsan caruurta ayaa waxaa ay shaacisey in dalka Yemen uu ka jiro daacunkii aduunka ugu xumaa.
Ku xigeenka madaxa UNICEF ee dalka Yemen ninka lagu magaacabo Sherin Varkey ayaa sheegey in tiro dad ah oo gaaraya ilaa 1750 qof ay shuban biyood ugu geeriyoodeen dalkaasi, halka sidoo kale tiro uu ku sheegey 317 kun oo qofna ay la il daranyihiin.
Badi tiradaasi waxaa uu Mr Varkey ku sheegey in ay yihiin caruur taasoo ka dhigeysa in tiro aad u badan oo caruurtta reer Yemen ah ay la il daranyihiin cudurka shuban biyoodka.
Isagoo sii hadlaya Varkey waxaa uu intaa ku daray in ay ka shaqeynayaan sidii adeeg caafimaad, biyo nadiif ah iyo raashiinba ay u gaarsiin lahaayeen dadkaasi.
QM ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay hal milayn oo talaalka daacuunka ah geyso dalka Yemen, si looga hortago in cudurka uu dad kale asiibo.