Dalka Thailand oo lagaran waayay cida ka danbeysa qarax lagu hoobtay
Bangkok Aug 18,2015(SDN/QJ)-Dalka Thailand ayaa qarax xalay habeenimadii caasimada Bangkok waxa ruxay qarax lagu hoobtay oo cid ka danbeysay ilaa iyo haatan aan la garan.
Qaraxa oo lala beegsaday xarun macbada oo dadka caabuda asnaamta ayaa waxa ku dhintay tiro dad ah oo ilaa haatan gaaraya 20 ruux.
Qaraxa ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso boqolaal ruux sida saxaafada ay u sheegeen ciidamada amaanka ee dalkaasi.
Dalka Thailand ayaa sanadii ina dhaaftay intii ka danbeysay waxa hareeyay qalalaase siyaasadeed oo sababay in ciidamadu talada dalkaa faro maroorsadaan.
sidoo kale ciidamada ayaa qeybo dalkaa ka mida dagaal kula jira kooxo Islamiyiin ah oo doonaya in dawlad Islamiya ay halkaa ka dhisaan.
Ma cada ilaa iyo haatan cida ka danbeysay qaraxaa lagu hoobtay ee Bangkok, police ayaa sheegay in cidii ka danbeysay ay goobta iyo dadkii ku sugnaaba ay la damacsanaayeen halaag.
SDN/QJ-Bangkok