Dalka Sucuudiga Oo Laba Toddobaad Gudahood 1800, Neef Oo Lo’ Ah Somaliland ku Soo Celiyey iyo Wasaaradda Xaannaanada Xoolaha Oo Jawaab U La’
Berbera:July,23,2014(SDN/QJ)-Dawladda Waddank Sucuudiga oo ah Sayllada ugu weyn ee Xoolaha Somalida, ayaa Laba Toddobaad Gudahood Somaliland dib ugu soo celisay Laba markab oo siday Lo’.
Lo’da laga soo celiyey Dalka Sucuudiga ayaa ahayd mid la Caafimaadkeeda La Hubiyey, isla-markaana la sii mariyey Maxjarka Magaalada Berbera ee Xoolaha caafimaadkooda lagu baadho. Mana caddayn sababta rasmiga ah eek a dambaysa.
Dawladda Sucuudigu waxay toddobaadkii hore soo celisay kun iyo boqol Neef oo Lo’ ah, halka ay doraad ka soo celisay Markab kale oo siday toddoba boqol oo Neef oo Lo’ ah.
Si rasmi ah Xukuumadda Somaliland wali ugamay hadal soo celinta Xoolahan iyo waxa sababay, hase yeeshee sida ay wararka hordhaca ahi sheegayaan in ay la xidhiidho dhinaca Baadhista Maxjarka oo aanay u marin sidii la rabay.
Dalka Sucuudiga ayaa hore usoo celiyey dhawr Markab oo siday Geel, kuwaas oo laga helay xanuuno sababay in lagu soo celiyo.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa lagu dhaliilaa inaanay si haboon u maamulin Xoolaha Dalka ka dhoofaya oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha, sababta ugu badana waxa lagu sheegaa dhakhaatiirtii xirfada fog u lahayd oo wasaaraddu ka fogaysay xayndaabka Maxjarada.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com