|

“Dalka Somaliya waxaa ka Jira shacab qof walba siyaasi yahay, dadka badankiisu waxay noqonayaan Madaxwayne” Danjire Nicklos Kay

Nairobi 30. December 2015 (SDN/QJ):- Danjire Nicklos Kay wakiilkii hore ee qaramada midoobey u qaabilsanaa  Somaliland iyo Somaliya ayaa markii u horesay ka hadlay dhaqanada uu ku arkay bulshada somalida mudadii uu ku sugnaa dalka somaliya.

kay kay
Danjire Nicklos Kay waxaa uu sheegay inuu aad ula yaabay bulsho dhan oo wada siyaasi ah islamarkaana mid waliba doonayo inuu madaxwayne ka noqdo dalka somaliya si uu u gaadhsiiyo xal iyo nabad waarta oo ay helaan shacabka somaliyeed.

Nicklos Kay waxaa shacabka Somaaliyeed ku amaanay horumarka ay ka sameynayaan adeegyada bulshada ee aasaasiga ah isagoo carabka ku dhuftay inuu aad uga helay (fajacay) dad meel qarax laga fuliyay isla maalinta ku xigta halkii dhisme ka bilaabaya, bil kadibna ganacsiga halkiisii kusoo celinaya oo aan ka baqaynayn qaraxyo dambe

Nicklos Kay oo wareysi Siiyay Idaacada VOA oo la weydiiyey sida uu u arko dadka somalida waxaa uu ku jawaabay “Dalka Soomaaliya, waxaa ka jira shacab qof kasta uu siyaasi yahay, qof kasta oo Soomaali ah oo aan la kulmo waa siyaasi qoto dheer. Dadka badankiisa waxa ay noqon doonaan madaxweyne, haddii aysan noqon waxa ay ahayd inay noqdaan madaxweyne, waxaan u maleynayaa in awoodaas ah, in la sheekeysto, la wada xaajoodo, la gorgortomo, mararka qaarna la gaadho heshiisyo adag, oo ah inaad wax bixiso si aad wax u hesho, waa mid ka mid ah dabeecadaha ugu weyn ee Soomaalida ay leeyihiin.” ayuu yidhi

 

Nicklos Kay oo hadlkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku ladhey oo uu yidhi “Waxay jecel yihiin luuqadda, waxay jacel yihiin gabayada, taasi oo haddii si kale loo dhigo ah siyaasadda, sidaa darteedna waxa ay ahayd farxad inaan la kulmo oo aan la shaqeeyo dad u go’ay in la helo xal siyaasadeed, iyo sidoo kale dad aan la loodin karin. Waxaad arkeysaa hotel bam lagu qarxiyey magaalada Muqdisho, haddana maalinka xigta waxay durbadiiba billaabayaan inay dib u dhisaan, haddana toddobaad ama bisha xigta waxaad arkeysaa ganacsigii oo dib loo furayo, waa wax dhiiraanaan leh. Ka go’naanshaha noocaas ah, dhiiranaanta noocaas ah, xikmad siyaasadeedka noocaas, iyo qalbi furnaanta noocaas ah, ayaa macnaheedu uu yahay in Soomaaliya ay si dar dar leh oo aan la joojin karin ugu socoto waddadii nabad waarta”.

Comments are closed