|

Dalka Saacadaha Soonku Aanay Isbedalin Iyo Sababaha Keenay !

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Sanad kasta waxay Dadka Muslimiinta ee dunida ku nooli ay xisaabiyaan saacadaha Soonka oo ah kuwa ay Dalalka Adduunku ku kala duwan yihiin oo sabab u ah farqiga waqtiga u dhexeeya Dalalka Dunida.

Haddaba, waxa jira Dal ka mid ah Dalalka Adduunka oo aanay saacadaha soonku is badelin laga bilaabo xilligii ay diinta Islaamku gaadhay, dalkaasina waa Dalka Uganda ee ku yaalla Bariga Qaarada Afrika waxaanay muslimiinta ku nool dalkaasi sanad walba soomaan 12 saacadood laga bilaabo xilligii diinta Islaamku gaadhay taasi oo ay u sabab u tahay halka uu Dalkaasi kaga dhaco Dhul-Badhaha, iyo waliba in saacadaha habeenkii iyo maalintu noqdaan kuwa is-leeg guud ahaan bilaha sanadka oo dhan.

Tirada Dadku nool dalkaasi waa 10 Milyan oo qof halka 30% ay yihiin muslimiin, diinta Islaamka waxay Dalkaasi gaadhay Qarnigii 13aad ee Hijriyada waxaana soo gaadhsiiyay niman Ganacsadayaal ahaa oo kasoo jeeday Dalalka Carabta waxaanay arrintaasi sabab u noqotay in Dad badan oo ku noolaa Dalkaasi ay qaataan Diinta islaamka, Sanakdii 1280kii Hijriyada ayaa nin la odhan jiray Khedive Isma’il waxa uu u diray Dalkaasi Culimo muslimiin ah oo u dhashay Dalkaasi Masar si ay ugu faafiyaan diinta Islaamka.

Comments are closed