|

“Dalka Oo Dhami Wuu Wadda Haraadan Yahay, Balse Yaan Farta La Isku Fiiqin………” Gudoomiye Saleebaan Gaal

Hargaysa 30. Decembar 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa hadley abaaraha iyo biyo la’aanta dalka ka jirta, isla markaana wuxuu sheegay in dalka oo dhami  abaaro ka jiraan

Saleebaan Gaal Iyo GuurtidaBalse Mudane Saleeban waxaa uu rajo fiican ka muujiyey in dalku uu heli doono biyo ku filan isaga oo xusay in lagu rajo weyn yahay sida uu warka ku hayo in gaar ahaan caasimadu ay biyo ku filan hesho horaanta sanaadkan hada bilowga ku dhaw waxaana uu yidhi “Dalka oo dhami waa uu wada haraadan yahay , hadda waa la wadaa waakan shalay madaxweynuhu tagey insha alleh sanadka cusub waa la cabi doona wararka sida aan anigu ku maqlaayo yeynaan ka deg degin , balse magaaladu yaanay farta isku fiiq fiiqin warkii ay dawladu ina siisay waxaa weye sanadka cusub waanu waraabineynaa Hargeysa “ ayuu yidhi Saleebaan.

Comments are closed