|

Dalka Masar Oo Looga Dareeray Doorashada Madaxtinimada

masar Qaahira: 26,May,2014(SDN/QJ)-Masar waxaa ka billaabatay doorasho madaxtinimo oo ah tii ugu horreysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ugu yaraan 200,000 oo askari ay wardiyaynayaan goobaha codbixinta.

Wasiirkii hore ee difaaca Cabdal-Fataax al-Sisi iyo siyaasiga garabka bidix Xamdin Sabaxi ayaa ah labada musharax ee kaliye oo u taagan doorashada.

Waxaa aad loogu maleynayaa in Cabdal-Fataax al-Sisi uu ku guuleysan doono doorashada,

Taas ayaa dib ugu soo celineeyo jagada ugu sarreysa dalka in uu qabto xubin milatari ah saddex sano kaddib markii Xusni Mubarak laga tuuray madaxweynanimada.

Waxaa jiray baaqyo ah in shacabka reer Masar ay cododkooda dhiibtaan si dalka uu u xasilo.

Cabdal-Fataax al-Sisi ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamad Mursi, kaddib dibedbaxyo ballaadhan oo dalkaas ka dhacay.

Ururka Ikhwanul Muslimiinka ee uu Mursi ka tirsan yahay ayaa ku baaqay in doorashada aan laga qeyb-galin.

Lama oga ilaa hadda waxa ay Doorashadan Maanta ay ka bedeli doonto Xiisadaha Siyaasadeed ee wali ka aloosan Dalkaasi.

SDN/QJ-Qaahira

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed