|

Dalka Kuweyt Iyo Saldanada Cumaan oo ka arrinsanayaa Sii ambo qaadista Waan Waanta Waddamada Khaliijka ee Xiisada adagi u dhaxayso

Cuman 01. August 2017 (SDN/QJ):- Wadamada Kuweyt iyo Saldanada cumaan ayaa ka wada hadlay hore u socodsiinta hawsha waanwaanta laga dhexwaday Dalalka Khaliijka ee ay dhibaatada Diblumaasiyadeed soo kala dhex gashay.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Saldanada Cumaan yuusuf Bin Calawi ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin waxa uu ku tegay Dalka Kuweyt, isagoo kulan la yeeshay Dhigiisa Dalka Kuweyt Sh Sabaax Khalid Al-axmed Al-Sabaax, iyagoo ka wadahadlay in la sii wado hawsha waanwaanta ee ay kuweyt hore uga dhex bilowday Dalka Qatar iyo Wadamada afarta ah ee carbeed ee kala ah Sucuudiga, baxreyn, isutagga Imaaraatka carabta iyo Masar.

Sida la ogyahay labada wadan ee Kuweyt iyo Saldanada Cumaan waa labada wadan ee xubnaha ka ah golaha iskaashiga khaliijka carabta ee iyagu dhexdhexaadka ka ah xiisadda haatan ka taagan gobolkaasi.

Comments are closed