|

“Dalka Kooxaa Xukuma oo Way Itaal-Darreysay Awoodii Madaxweynahu, Dawladu Iyadaa wada Sicir Bararka,Kuwa Cumarada Tegay ee Wasiirada ah Ilaahay Kama aqbalayo Waayo.”. Sheekh Aadan Siiro oo Afka Furtay DAAWO

Hargaysa 26. June 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Sheekh Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada ugu waaweyn dalka, ayaa sheegay in itaal-dareysay awoodii maamul ee Madaxweynaha Somaliland isla mar ahaantaana ay dalka xukumaan koox uu ku sheegay in mid walba uu wasaarad gooni ah gaar u goostay.

Waxa Kale oo uu Sheekh Aadan Siiro Ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay Iyadu ka danbayso Sicir bararkan Xadhkaha Goostay ee Ka Taagan Suuqyada Somaliland Isagoo Is barbar dhig Ku sameeyey Siyaasadihii ay Sarifka Dollarka u Kala dejiyeen Dawladii Hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Iyo Xukuumada Talada haysa.

Comments are closed