|

Dalka Bururndi Oo Maanta Looga Dareerayo Doorasho Madaxweyne-nimo Oo Mucaaridku Qaaddacay

Bujunbura:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Dalka Burundi waxa maanta laga filayaa inay ka bilaabanto doorashada madaxtinimada oo ay qaaddaceen Axsaabta Mucaaridka ahi, isla-markaana rabshado isla xalay ka bilaabmeen halkaas.

pinMadaxweynaha talada haya Pierre Nkurunziza ayaa mar kale u tartamaya doorashada Madaxtinimada, waxaana hore uga dhashay rabshado markii uu ku dhawaaqay in mar saddexaad uu isu soo sharaxo.

Rabshadaha ka bilowday dalkaas bishii April ayaa waxaa ku dhintay illaa 70-ruux, halka ay ku barakaceen kumanaan kale oo ka cabsi qabay in loo beegsado dagaalada dhinaca qabiilka.

La taliyaha dhinaca warbaahinta ee Madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in kooxo ay doonayaan inay Khalkhal geliyaan doorashada maanta dhaceysa.

Isku daygii ay dalalka Gobolku ku doonayeen in la dib loo dhigo doorashada ayaa suura geli weyday, kadib markii asxaabta siyaasada ay qaadaceen inay soo hor-fadhiistaan dowladda.

Waxaa hakaday wada hadaladii lagu dhex dhexaadinayay dhinacyada isku haya siyaasada, waxaana laga cabsi qabaa in doorashooyinkan ay dib u soo celiyaan dagaaladii sokeeye.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasiasporanews.com

Comments are closed