|

Dalka Australia Oo Soo Saaray Aalad Koombuyuutar Ah Oo Xoolaha Nool Dhul-Daaqsimeedka Ugu Ilaalinaysa Sida Aadamaha

Hargaysa 27.Aug 2016 (SDN/QJ):-Waddanka Australia oo ka mid ah dalalka hore uga maray dhinacyada dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadu waxa uu ka mid yahay dalalka deegaanka, dhul daaqsimeedka iyo xoolaha nool ilaahay ku manaystay, dadkiisuna aad u jecel yahay oo u daryeelo.

57bc1638c4618850588b45a7Toddobaadkan khubarada dhinaca tiknoolajiyada ee dalka Australia, gaar ahaan kambani soo saara qalabka Robbot ka loo yaqaanaa waxa ay soo saareen oo ku guulaysteen tijaabo ay mariyeen aaladda Koombuyuutarka ah ee Robbot ka loo yaqaano kaasi oo xoolaha nool u raacaya sidii dadka.

Qalabkan oo loo yaqaano magaciisa ‘SwagBot’ waxa uu si layaab leh u raacayaa una ilaalinayaa xoolaha nool sida Lo’da iyo Adhiga oo uu ku raacayo goobaha dhul-daaqsimeedka ah iyo waliba goobaha ay biyaha ka cabaan isaga oo ka dhawraya wax kasta oo dhibaato ah iyo in ay lumaan oo baadi noqdaan. Khubarada qalabkan soo saartay waxa ay sheegayaan in aaladdan ay ku rikiban yihiin kamarado wax duubaya oo xaaladda xoolaha ay raacayaan ku sugan yihiin u gudbinaya xarunta uu joogo qofka xoolaha lihi isaga oo waliba duulaya oo dhinac walba ka mari kara xoolaha uu ilaalinayo sidii bani aadamkana kolba dhinac ka soo rogaya oo xoolaha soo dabbaalaya.

SwagBot ayaa la sheegay in uu laba sano tijaabo ahaan u raaci doono ama u ilaalin doono xoolo ay leedahay shirkad xayawaanka rabbaysaa oo ku taalla dalkaasi Australia intaa kadibna dadka xoolo dhaqatada ah loo ogolaan doono in ay iibsadaan ama xoolahooda u soo qaataan si ay ugu raacdaan.

Comments are closed