|

Daliillada & Khayraadka La Sameeyo Xaflada Xuska Mawliidka Rasuulka (SCW) & Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

Hargaysa 11. December 2016 (SDN/QJ):- Muxuu ka  koobanyahay xuska Mawliidka Rasuulka SCW?.

xildhibaan-ayaanleSida la ogsoonyahay dhammaan qaybaha ay ka koobantahay Xafladda loo sameeyo Xuska Dhalashada Rasuulka SCW waxay ka koobantahay:-

  • Siirada Rasuulka SCW oo la aqriyo.
  • Qasiidooyin lagu amaanayo Rasuulka SCW.
  • Salliga Rasuulka SCW oo la badiyo.
  • Sadaqa la bixiyo.
  • Muujinta Jacaylka iyo wayneynta Rasuulka SCW
  • Ka sheeekaynta dhalshadii Rasuulka oo la kordhiyo bishii uu dhashay.
  • Mujinta farxadda ku beegan dhalashada Rasuulka SCW.
  • Macruufka oo la is faro, Munkarkana la iska reebo.
  • Iyo khyaraad badan oo muslimiintu ku muujinayaan qadarinta, weynaynta iyo jacaylka ay u qabaan Xabiibkooda suuban SCW.

xuska-dhalashada-nebigeenna-muxamed-cswHaddaba, intaa aan soo sheegnay ee uu ka koobantahay xafladda xuska mawlidka Rasuulku SCW keebaan khayr ahayn oo aan daliillo badan ku lahayn Quraanka kariimka, Axaadiithta Rasuulka SCW iyo Ijmaaca Imaamyada Diinta Islaamka?. Mase kulminta la kulmiyey ayaa ka qaaday khayrkii. Hala waydiiyo kuwa mawlidka diida marka laysku daro 10 shay oo xalaal ah ma waxay  noqdeen xaaraam.

Saw wax laga xumaado ma aha in maanta wax laga sheego ama la yiraahdo maxaa u daliil ah Sadaqada la bixiyo marka Nabiga la xusayo, Ammaanta, Siirada, Salliga, iyo is faridda jacaylka Rasuulka CSW.

Dahammaan arrimahaas ay kulansatay xafladaha loo sameeyo dhalashada Nabigeenna waxay ka mid yihiin khayraadkii uu Ilaahay Quraanlkiisa kariimka ah nagu amray inaan isu kaalmaysano oo aan isku gacan sinno samayntiisa, Ilaahay waxa uuu yidhi وتعاونوا علي البر والتقوي Isu kaalmaysta khayr samayntiisa iyo Alla ka cabsiga, haddaba dhamaan qaybahaa aan soo sheegnay teebaan samaynteedu ahayn alla ka cabsi iyo khayr.

الحمد لله رب العالمين     Ilaahay bey mahadi u sugnaatay.

Imaamkii weynaa ee Al-Xaafid Jalaalu-Diin Al-Suyuudi isagoo kulanka khayraatkan sheegaya wuxuu kitaabka Xusnul-Maqsad Fii Camalil Mawlid ku yiri: “Xaflada Mawliidka asal keeduba waa Dadka oo isku yimaada, Quraan la akhriyo, Axaadiista dhalashada Rasuulka [SCW] oo laga waramo iyo Aayaat kii dhacay habeenkii uu dhalanayey, kadib wax baa la cunaa oo la cabaa, taasina waa Sunna wanaagsan, Illaahay wanaag ayuu ku abaalin ruuxii sidaa sameeya, sababtoo ah waxa ku jira arintan waynayn ta Nabiga (SCW) oola weynaynayo, iyo Bishaareyn iyo Farxad loo qabo Dhalashada Xabiibka. Haddaba aan midmid u eegno khayraatka ay ka koobantahay Xafladda xuska Mawlidku:-

1- SIIRADA RASUULKA OO LA AQRIYO

Maalmaha lagu jiro xafladaha Xuska dhalashada Rasuulka CSW waxaa la aqriyaa Kitaabka loo yaqaan Mawliidka oo kulmiya kitaabba ay qoreen caalimiin ka mid ah imaamyaalka diinta Islaamka. kitaabkani wuxuu ka waramaa :

Dhalashadii Rasuulullahi Muxammad (SCW).

Mucjisooyinkii Ilaahay ka muujiyey Rasuulka SCW yaraan tiisii ilaa waqtigii uu Ilaahay oofsaday.

Qasaa’id lagu ammaanayo Rasuulka CSW, Tawsul iyo Istigaatho Ilaahay lagu baryayo fadliga Rasuulka CSW.

Waxa cid kasta oo muslim ahi ka dheregsantahay inta Rasuul ee uu illaahay ku xusay Quraanka Kariimka ah dhalashadooda, taariiikh nololeedkooda iyo Muc jisooyinkii Ilaahay ku soo galladaystay, Sida:

  • Dhalashadii illaa Rasuul naimadii Nabiyulaahi Muuse (CS).
  • Dhalashadii illaa Rasuul nimadii Nabiyullaahi Yaxya.
  • Dhalashadii illaa rasuulnai Nabiyulaahi Ciise (CS).
  • Iyo Anbiya badan oo sidaa looga sheekeeyey

Ilaahay Swtacaalaa isagoo caddaynaya qayb ka mid ah faaiidooyinka ku jira ka sheekaynta siirada iyo fadliga Anbiyada wuxuu quraankiisa kariimka ah ku yiri :

كلا نقص عليك من أنباء الرسل ما نثبت به فؤدك 

“Dhamaan waaxaa aan kaaga warrannay ee ah wararkii Rususha waxaan ku  xasilinynaa Qalbigaaga”

Waxa kale oo Ilaahay Suuradda usuf ku yiri: لقد كان في قصصهم عبرة لأول الألباب

Qisooyinkooda Cibra ayaa idinkugu sugan.

Haddii sidaas Ilaahay ku yiri Nabiyullaahi muxammad SCW maxaad u malaynaysiin baahida aan u qabno in la inooga sheekeeyo Nabigeenna suuban oo aan dhegaysanno siiradiisa, ammaantiisa iyo mucjisooyinkiisa, waxaa la ogsoonyahay  in qof kasta oo qalbi wanaagsan ku yimaada meelaha lagu xusayo Rasuulka CSW uu ka qaadayo maxabbo hor leh, uuna ka baranayo cilmi aanu horey u aqoon oo Nabiga siiradiisa ah, taasina waa mid ay nafartay Shariicada Islaamku.

Waxaa laga weriyey Qaar badan oo kamida Asxaabta Rasuulka inay siirada Rasuulka ay Ubadkooda ubari jireen sida Suurad Quraanka ka mid ah, waxay bari jireen Rasuulka CSW, Sheekooyinkiisa, wanaaagiisa, sifooyinkiisa fiicnaanta badan, wanaagii Ilaahay uu sii yay iyo qayba badaan oo siiradiisa ah.

  • Siirada Rasuulka SCW oo la aqriyo.

-Qasiidooyin lagu amaanayo Rasuulka SCW.

-Salliga Rasuulka SCW oo la badiyo.

-Sadaqa la bixiyo.

  • Muujinta Jacaylka iyo wayneynta Rasuulka SCW
  • Ka sheeekaynta dhalshadii Rasuulka oo la kordhiyo bishii uu dhashay.
  • Mujinta farxadda ku beegan dhalashada Rasuulka SCW.
  • Macruufka oo la is faro, Munkarkana la iska reebo.
  • Iyo khyaraad badan oo muslimiintu ku muujinayaan qadarinta, weynaynta iyo jacaylka ay u qabaan Xabiibkooda suuban SCW.

La Soco Qaybo kale

Comments are closed