|

Dalalka Khaliijka oo mucaaridka Suuriya Mushaharo u qoray

Dubai April 02,2012(SDN)-Golaha Wadaniga ah ee mucaaridka dalka siiriya ayaa sheegay in maleeshiyaadkooda hubaysan ay mushahaarooyin siin doonaan dalalka khaliijku si ay u sii wadaan halganka ay kala soo horjeedaan maamulka madaxweyne Bashaar al-asad.

Waxa kale oo Golaha Mucaaridsku ay sheegeen in ay ciidamada ka soo goosta ciidamada Bashaar al-asad ay iyana dalalkaasi khaliijka ka heli doonaan dhaqaale,waxaanuu hadalkani soo baxay intii uu ka socday Istanbuul shir-madaxeedkii dalalka saaxiibada siiriya loogu yeedho. Kuwaasi oo shir-madaxeedkooda ku taageeray qorshaha nabad raadinta Koofi Anan ergayga Q/midoobay iyo Jaamacada Carabtu uu ka wado siiriya .

Shir madaxeedkii ku qabsoomay magaalada Istanbuul ee dalka turkiga ayaa isagu u aqoonsaday golaha Qaranka Mucaaridka dalka siiriya inuu yahay golaha sharci ahaan ay u aqoonsan yihiin inuu metelo shacabka dalka siiriya. Waxaanay dalalka khaliijka ee hodanka ahi ay balan qaadeen inay dhinaca dhaqaalaha ka taageeraan mucaaridka dalka siiriya.

SDN-Dubai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed