Dalalka IGAD iyo Mahiga oo dareensan in arrimaha Soomaaliya laga hoos qaaday
Ottawa Feb 05,2012(qurbejoog.com)-Intii ka danbeysay ku dhawaaqidii reysul wasaaraha Britain in dalkiisu shir u qabanayo Soomaalida ayaa waxa aamusnaan saaid ahi ay soo wejahday madaxda dalalka urur goboleedka IGAD iyo xafiiska QM Soomaaliya u qaabilsan.
Siaan hore looga badhan oo gegdeg badani ka muuqdo ayaa xafiiskii UNPOS loogu rarary magaalada Muqdisho si markaa looga hortago saamenta shirka London
Dawladaha IGAD ee ciidamadooda ku daad gureyay Soomaaliya ayaan ilaa iyo hatan juuq laga heyn sida ay u arkaan isbedelkan ku yimi dawlada Britain ee ku wejahan Soomaaliya.
Ergeyga gaadhka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa amuusnaan aan looga barani ay soo wejahday,waxaana u sabab ah in dawlad weyni meesha soo gashay oo iminka la iskala tegay licib saqiirkii.
Ma cada waxa dhinacyadii ku hore ugu herdami jiray siyaasada Soomaaliya ay yeeli doonan iminka wixii ka danbeeyay,waxaan iyana cadeyn in dawladaha reer galbeedka ay daacad ka yihiin xal u helida Soomaaliya.
Waxaan sidoo kale cadeyn waxa shirka lagu soo bandhigi doono iyo cida ay dan u tahay toona.
Qurbejoog-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com