|

Dalalka Carabta Qaarkood Oo Laga Mabnuucay Baraha Telefiishanka Al-jazeera Ku Leeyahay Internet-ka

Doha 26. May 2017 (SDN/QJ):- Shabakadda ama (Website-ka) uu Internet-ka ku leeyahay Telefiishanka Al-jazeera ee fadhigiisu yahay Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qadar, ayaa laga mamnuucay qaar kamid ah waddamada Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladahaasi ay sheegeen.

Maamulka Telefishinka  Al Jazeera, ayaa sheegay in ay baadhayaan sababtii looga mamnuucay dalalkaasi.

Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa website-ka Al jazeera haddii la doono in la daalacdo waxaa uu kuu soo qorayaa “Website-kan lagama heli karo dalka Imaaraadka”, sida dadka ku nool magaalada Dubai ay sheegeen.

Afhayeenka hay’adda sharci dejinta isgaadhsiinta dalkasi, ayaa sheegay in ay ka warqabaan sababta looga joojiyay Al jazeera dalkaasi ayna baadhitaano wadaan.

Hay’adda ayaa la filayaa in ay war-saxaafadeed buuxa ay soo saarto marka ay baadhitaanka uu u dhamaado.

Afhayeenka Al Jazeera ayaa sheegay in ay ka war heleen war sheegaya in baraha ay Internet-ka ku leeyihiin laga Mabnuucay Dalal Gobolka Bariga dhexe ka mid ah, sida Imaaraadka Iyo Sucuudiga.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah warbaahinta dalalka Khaliijka ayaa sheegaya in Al Jazeera ay baahisay warar aan xaqiiq laheyn oo ka fog dhex-dhexaadnimada.

Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-kii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Waraarka iyo Doodaha Tooska ah.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, Shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ayaa sheegtay inay dhimi doonaan ku-dhawaad 500 oo qof, kuwaasi oo badankooda ka mid ah kuwa ka hawlgala Xarunta Dhexe ee TV-ga ee ku taalla caasimadda dalka Qatar ee Doha.

 

Hindisaha Shaqaalle-dhimista ayaa lagu micneeyey iyadoo ay socdaan Isbeddel lagu sameynayo Muuqaalka Warbaahinta la iska arko ee Aljazeera TV.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Aljazeera, Mustafa Sowag ayaa sheegay inay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si taxadir leh u eegeen tallaabooyinka suurtogalka ah in la qaado iyo in la hubiyo in heer wanaagsan taaganahay.

Comments are closed