Dalalka Asia oo ku biiray wadamada dalbanaya in Mareykanku sharaxaad ka bixiyo safaarado uu leeyahay oo basaasay madaxdooda
Beijing Nov 01,2013(SDN)-Wadamada Asia ayaa dalbada in cadeymo laga ixiyo warar ay daabacday jariirada Der Spiegel oo Jarmalka ka soo baxda in Mareykanka iyo xulafadiisu ay safaaradaha ay dalalkooda ku leeyihiin u isticmaaleen goob wax laga basaaso.
Mareykanka ayaa xulafadiisa reer Yurub ay ku kala jeesteen todobaadyadii ina dhaafay ka dib kolkii ay soo baxda in madaxdooda la basaasay.
Fairfax Media oo Australiya laga leeyahay ayaa sheegtay in safaaradaha dalkaasi ee ku yaal magaalooyinka Jakarta, Bangkok, Hanoi, Beijing and Dili in East Timor; iyo qunsuliyadaha ku yaal Kuala Lumpur and Port Moresby, Papua New Guinea loo isticmaalay basaasida madaxda dalalkaasi.
dawlada China oo hore loogu eedeeyay in ay reer Galbeedka aad u basaasto ayaa la sheegay in ay arinkan aad uga walaacsan tahay oo ay dalbatay faahfaahin dheeri ah.
“China aad ayay uga walkaacsan tahay xogtan,waxaanu u baahanahay faahfaahin”sidaa waxa yiri afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibedda ee China Hua Chunhing.
Indoneia ayaa dhankeeda walaac ka muujisay xogtan tibaaxeysa in xarumaha safaaradaha reer Galbeedka ee dalkaa ku yaal loo isticmaalay in lagu basaaso.
“Hadii ay dhabowdo arintani waxa aan doonayaa in aan hoosta ka xariiqo in ay tahay mid baal marsan diblomaasiyada iyo dhaqanka wacan”sidaa waxa yiri wasiirka arrimaha dibedda Marty Natalegawa.
Dawladaha reer Galbeedka ayaan ilaa haatan ka jawaabi xogtan uu shaaciyay Edward Snowden oo hore ugu shaqeyn jiraay hay’ada nabad sugida Mareykanka ee NSA.
SDN- Beijing
contact@somalidiasporanews.com