|

Dalalka Afarta ah: Ma Ciqaabayno Shirkadaha Maraykanka ee Qatar

Doha 15. August 2017 (SDN/QJ):- Dalalka afarta ah ee cunaqabataynta saaray wadanka Qatar ayaa la sheegay in ay ku wargeliyeen dawlada Maraykanka in aanay wax ganaax ah ku samaynayn sirkadaha maraykanka ee ka shaqaysta Dalka Qatar., waxana hadalkani soo baxayaa xilli ay shirkadaha ajaanibka ah ee Qatar ku sugani werwer ka qabaan inuu saamayn ku yeesho khilaafka diblumaasiyadeed ee Gobolka Khaliijka ka taagani.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa warqad rasmi ah u qoray wasiirka Arimaha dibada ee Maraykanka Rex Tellerson dhamaadkii bishii July ee aynu soo dhaafnay taasoo ay ugu bandhigeen in cunaqabataynta ay Qatar saareen aanay saamayn doonin shirkadaha Maraykanku leeyahay ee ka shaqaysta Dalka Qatar, sida lagu cadeeyey warbixin haatan daboolka laga qaaday.

Sida warbixintani sheegayso Ururka Midowga yurub ayaa damaanadqaad kaa la mid ah ka helay Dalka isutaga imaaraatka, mana jiro wax hadal ah oo illaa haatan ay afartan wadan kaga jawaabayaan warbixinta, halka sidoo kale ay safaaradda maraykanka ee Magaalada Abu-dubai ka gaabsatay su’aal arintan ku saabsan oo ay wakaalada wararka ee Routers weydiisay.

Comments are closed