|

Dalaka Spain oo la wareegay hogaanka ciidamada reer Yurub ee ka hawlgala Baddaha Soomaaliya

Jabuuti Dec 08,2011(qurbejoog.com)-Spain ayaa maalinimadii shalay la wareegtay hogaanka ciidamada  Midawga Yurub ee dagaalka kula jira Burcad-badeeda Soomalida.

Munaasibada xil la wareegida ayaa ka dhacaday dalka Jabuuti markab ku xirtay oo layidhaahdo Bayern.

Waa markii sadexaad ee ay Spain hogaanka u qabato ciidamada reer Yurub ee EUNAVFOR.

Taliyaha ciidamada Badda ee dalka Spain u soo dirtay baddaha geeska Africa Capt Jorge Manso ayaa xilka kala wareegay Taliye u dhashay dalka Jarmalka oo la yidhaahdo Adm. Thomas Jungel.

Hawgalada ciidamada EUNAVFOR oo soo biloowday sanadii 2008dii ayaa waxa  Burcada Soomaalidu gacanta ugu jiray in ka badan 32 markab iyo 745 rakaab ah oo la socday maraakiibtaas.

Halka iminka ay Burcadu heysato 8 markab iyo 219 ruux oo keliya.

Ciidamadan ayaa hawshooda ugu weyn ee ay qabtaan ay tahay gelbinta raashinka WFP ay gaadhsiiso dadka 1.2 million ka badan ee macaluushu ku heyso Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed