Dalaka Shiinaha oo ka hortimi xiriirka sii kordhaya ee Somaliland iyo Taiwan
Muqdisho (QJ) – Dawladda Shiinaha ayaa dhaliishay xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyadoo sheegtay inay qaaday tallaabooyin ay Hargeysa ku cadaadinayso inay joojiso xidhiidhka ay la leedahay Taipei.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu oo wareysi kooban siiyay TV-ga Dalsan ayaa ku nuux nuuxsaday in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha.
“Adduunka waxaa ka jira hal Shiinaha oo kaliya, Taiwan waa qayb aan la go’in oo ka mid ah Shiinaha, dalal badan ayaa taageeraya dib u mideynta qaranka. Tani waa xaqiiqo aasaasi ah,” ayuu yiri Wang Yu.
Waxaanu intaa ku daray in dawladiisu ay si adag u cambaaraynayso ugana digayso Somaliland xoojinta xidhiidhka ay la leedahay Taiwan.
“Taiwan waxay ku hawlan tahay xoogaga siyaasadeed ee Hargeysa, iyagoo si cad ugu ololaynaya gooni-u-goosadka, waanu cambaaraynaynaa oo ka digaynaa xoojinta xidhiidhkaas,” Wang Yu ayaa yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shiinuhu uu qaaday tallaabooyin uu kaga hortagayo in Somaliland ay sii waddo cilaaqaadkaas, isla markaana ay kala kaashanayaan dawladda Soomaaliya sidii ay u ilaalin lahayd danaheeda qaran, gaar ahaana midnimada dhuleed. “Shiinuhu waxa uu dawladda Soomaaliya ka taageerayaa ilaalinta midnimada dhuleed,” ayuu yidhi.
Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisu uu sare u qaadi doono xiriirka uu la leeyahay dalka Taiwan oo ah jasiirad iskeed u maamusho oo aan aqoonsi caalami ah ka haysan.