|

Daladda SONSAF oo Kulan lagaga hadlayo qaabka shaqaalaynta iyo nidaamka Xukuumaddu u marto bixinta Qandaraasyada Hargaysa ku qabatay

Hargeysa  04.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa wax iska weydiisay qaabka Xukuumadda Somaliland u bixiso Qandaraasyada, Shaqaalaynta iyo qaabka isla Xisaabtanka iyo furfurnaanteeda.

sonsaf
Kulan dhawaan ay yeesheen Guddiyada tashi iyo fagaare  ee ka qeybqaatayaasha aan dawliga ahayn oo lagaga hadlayey ka faa’iidaysiga Mucaawinooyinka, ayaa si gaar ah loogu lafa-guray arrimaha New Deal (Heshiiska cusub), Sanduuqa horumarinta Somaliland iyo Mucaawinooyinka kale laga helo Baanka Adduunka iyo Baanka horumarinta Afrika.

Guddiyada tashi iyo fagaare, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda la kulanka Wasiirka Qorsheynta Qaranka, si Macluumaad dheeraad ah looga helo, maaddaama oo qorshaha horumarinta Somaliland iyo Sanduuqa horumarintu dhammaanayaan sannadka 2016 ee foodda innagu soo haya.

Xubnahan ka socday Ururrada Bulshada, ayaa isla qaatay inay Warbixin dhammaystiran ka helaan Wasiirka Qorsheynta Qaranka ku saabsan qaabka Mucaawinooyinku u soo gaadhaan dalka, qorshayaasha uga yaal iyo caqabadaha hor taagan.

Kooxahan ayaa sidoo kale sheegay inay kulammo la yeelan doonaan Madaxa Hay’adaha Gargaarka u jooga Hargeysa, isla markaana Wada-xaajood kala yeeshaan nidaamka Mucaawinooyinkoodu u soo gaadho Somaliland.

Kulankaa oo laba maalmood socday, ayaa sidoo kale layskula qaatay la kulanka  Wasiirka Maaliyadda iyo Xidhiidhiyaha Barnaamijka PFM iyo wax ka ogaanshaha heerarka Shuruucdii lagu maamulayey marayaan iyo qaababka Guddiga Miisaaniyaddu dib ugu qaabaynayaan arrimaha horumarinta.

Dhinaca kale, Wararka kulammadaas oo shalay lagu baahiyey Mareegta SONSAF, ayaa la sheegay in wax layskaga weydiiyey nidaamka Xukuumaddu u marto ilaalinta deegaanka, shaqaalaynta, arrimaha dib-u-dejinta marka loo baahdo, furfurnaanteeda nidaamka loo bixiyo Qandaraasyada.

Tallaabooyinka SONSAF, ayaa noqonaya kuwo wax weyn ka iftiimin doona qaabka Xukuumaddu u maarayso arrimo badan oo bulshadu inta badan wax iska weydiiso, xogo badanna aanay u hayn.

 

Comments are closed