|

Dalada Sonsaf oo Tababar u furtay Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Golayaasha Deegaanka

Hargaysa 13.March (SDN) Hawlwadeeno ka kala socday in ka badan 16 degmo oo Somaliland ah ayaa maanta kulan ku saabsan  wax ka qabashada arimaha bulshada uga furmay caasimada Hargaysa

kulankan oo ay soo qabanqaabisay Dalladda SONSAF socona doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qayb gelaya mas’uuliyiin ka tirsan dawladaha hoose ee degmooyin isugu jira A, B iyo C, waxana ay xildhibaanada golayaasha deegaanka ee qaybta ka ah ka qayb galayaashu ay ka doodi doonaan qorshayaasha horumarineed ee dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Gudoomiyaha Daladda SONSAF Maxamed Axmed barawaani oo furitaankii kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in kulanka noocan ahi uu faa’iido weyn ugu fadhiyo ka qayb galayaasha isla markaana uu yahay mid lagu baranayo sidii ay xildhibaanada cusub ee golayaasha deegaanku ugu adeegi lahaayeen bulshadii soo dooratay.

Maxamed Jaamac Colow oo ah mas’uu ka socday wasaaradda arimaha gudaha ayaa isna ka codsaday xldhibaanada kulanka loo qabtay inay dedejiyaan siyaasadda cusub ee ay ku hawlgelayaan.

Mayor ku xigeenka caasimadda C/casiis Cagaweyne ayaa isna kulankaasi ka sheegay in golayaasha deegaanku ay u baahnaayeen kulamada noocan ah oo uu ku sheegay kuwo wax weyn ka taraya isku xidhka magaalooyinka Waxaanu Yidhi ““Hadaanu nahay ku wa caasimada iyo kuwa Degmooyinkaba waxa inaga dhaxeeya Xidhiidh waxaana jira Urur dawladaha Hoose la yidhaa oo xafiiskiisu Hargeysa yahay, waxan la ina barayaa  waxa aynu ku shaqo tagayno ee aynu dadkii la hortagayno shaqadeenuna ku wanaag sanaanayso ee ay xildhibaanada iyo maayaraduna ku wada shaqaynayaan, iyada oo aan laga tagayn Xeerka is maamulka Gobolada iyo degmooyinka oo ah ka kaliya aynu ku shaqaynayno waxaanan idin kula dardaarmayaa  inaad cadaalada iyo dadka jilicda san ilaalisaan ”.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed