Dalada Mucaaridka Jabuuti ee (CNDD) oo isu soo bax ku qabatay Paris(DAAWO)
Paris Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Dalada Mucaaridka Jabuuti ee CNDD ayaa magaalada Paris ku qabatay kulan lagu xusayo isu soo bixii taariikhiga ahaa ee Jabuuti ka dhacay sanad ka hor.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Paris ayaa waxa ka qeybgalay asaasayaashii dalada CNDD Daahir Axmed Farax oo ah madaxa MRD,Maxamed Kadamy Yusuf oo ah madaxa jabhada FRUD iyo siyaasiga Maxamed Muse Ceynaanshe.
Sidoo kale waxa goobjoog ahaa siyaasiyiin u dhashay dalka Faransiiska oo uu ka mid ahaa Feurtet Daneil oo ah duqii hore ee magaalada French Blanc Mesnil iyo shacab ree Jabuuti ah oo ka kala yimi dalalka reer Yurub.
Masuuliyiinta dalada (CNDD) ayaa isu soo baxayaashii halkaa isugu yimi uga waramay xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dalka Jabuuti,waxaaney walaac ka muujiyeen xadgudubyada maamulku kula kaco shacabka reer Jabuuti ee isbedel doonka ah.
Qurbejoog-Paris
contact@somalidiasporanews.com