|

Dagaalyahano ka tirsanaa Daacish oo weeraray Cidamada Puntland

Bosaaso (QJ) -Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ayaa saaka weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dad shacab ah oo ka agdhawaa saldhiga la weeraray ay waxyeelo kasoo gaartay.

War ka soo baxay ciidamada la dagaalanka argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen weerarkii saaka ay soo qaadeen Daacish, islamarkaana ay ku dileen dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday.

“Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari ayaa saaka fashiliyay weerar argagaxiso oo ay soo maleegeen kooxda Daacish, waxaana la dilay dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday oo u badnaa ajaanib” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in kooxda weerarka geysatay ay isugu jireen Ajaaniib iyo Soomaali, iyadoo xustay in Ajaaniibta la dilay ay isugu jireen Carab iyo Itoobiyaan. Ciidamada ayaa u dhaqaaqay dhanka goobihii ay weerarka soo qaadeen kooxda weerarka soo qaaday.

Weerarka saaka lagu qaaday ciidamada difaaca Puntland ayaa kusoo aadaya xili maamulka Puntland ee gobolka Bari uu wado diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Bari.

Comments are closed