Dagaalyahanno Al-Shabaab oo Hadh-cad Weerar ku qaaday Booliska Magaalada Pandanguo ee G/Lamu
Lamu 06. July 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Al-Shabaab Dagaalyahanno ka tirsan, ayaa weeraray Saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada lagu magacaabo Pandanguo oo ka tirsan gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxaanay burburiyeen Qalab Isgaadhsiineed oo kala duwan oo Saldhiggaas yaallay.
Warbaahinta Maxaliga ah ee Kenya, ayaa ku warrantay in weerarku ka dhacay magaalada Pandanguo oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu oo u dhaw Xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan. Dad goob-joogayaal ah, ayaa u sheegay Wargayska Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya in Dagaalyahanno Al-Shabaab ah ay sidoo kale xilligaa weerareen Iskuul ku yaalla deegaanka Pandanguo. Balse illaa iyo hadda ma jiraaan Warar rasmi ah oo xaqiijinaya weerarka Iskuulka.
Wargayska The Standard, ayaa soo xigtay Madaxa Booliiska gobolka Lamu ee Xeebta Kenya, Philip Tuimur, uu sheegay inay Ciidammada Boolisku ay dagaal la galeen Dagaalyahannada Al-Shabaab ka tirsan ee weerarka ku qaaday Saldhigga Booliska magaalada Pandanguo ee gobolka Lamu.
Sarkaalku marka uu u warramay Wargeyska waxa uu sheegay inay xilligaas oo Maanta ahayd uu socday dagaalka ay la galeen Kooxda Al-Shabaab ka tirsan ee weerarka ku qaadday. Hase-yeeshee, illaa hadda lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka dambeeyey ee Boolisku la galay Argaggixisada weerartay.
Dagaalyahanka Al-Shabaab, ayaa marar badan oo kala duwan weerarro ku qaaday degaannada gobolka Lamu iyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka Kenya, kuwaas oo ay ku laayeen Dad Dawladda ka tirsan, Ciidammo iyo Shacab-ba.
Weerarkaas Al-Shabaab maanta ku qaadday Pandanguo Maanta ku soo beegmay maalmo ka dib markii uu Sarkaal Ciidammada dawladda Kenya ka tirsani ku baaqay in la xoojiyo ammaanka gobolkaas iyo weliba hawlgallo Ammaan oo Ciidammada Kenya ay ka wadaan Kaynta lagu magacaabo Boni oo ka tirsan Lamu, isla markaana la rumaysan yahay inay Al-Shabaab fadhiisimmo ku leedahay.