Dagaalyahanada Islaamiyiinta Ciraaq oo markii u horeysay dib loo riixay
Tikrit July 03,2014(SDN/QJ)-Ciidamada amaanka ee dalka Ciraaq ayaa markii u horeysay waxa ay dib u riixeen dagaalyahanada Islaamiyiinta ee ISIS ee dhawaanta gacanta ku dhigay degaano faro badan oo dalkaas ku yaal.
Ciidamada ayaa sii daayay muqaalo muujinaya dagaal ay ku galeen magaalada Tikriit oo ka mid aheyd goobaha ay Islamiyiintu ka ariminayeen.
Muqaalku ma muujinayo in ciidamada amaanka ee Ciraaq ay gebi ahaanba gacanta ku dhigeen magaalada Tikrit.
Sidoo kale dagaalyahanada ISIS ayaa waxa culeys uu ka soo wejahay degaanada ay ka arimiyaan ee dalka Syria.
Dagaalyahano kale oo iyaguna ah Islamiyiin ayaa shaaciyay muqaal dagaal ay la galeen ciidamada ISIS ee Syria.
Si kastaba ha ahaatee waxa haatan muuqata in dhinacyada ka soo horjeeda ISIS oo garab ka helaya reer galbeedka in ay doonayaan in ay ka taqalusaan.
Weeraradan ee qorsheysan ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib kolkii ay dagaalyahanada ISIS ku dhawaaqeen dawlada Islami ah.
SDN/QJ-Tikrid