Dagaalyahan Daacishta Galgala ka tirsanaa oo isu dhiibay Ciidammada Maamulka Puntland & Taliye ka Hadlay
Boosaaso 08. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay mid ka mid ahaa Dagaalyahannada Kooxda Hubaysan ee ay ku dagaallamaan Buuraha Galgala iyo deegaanno ka tirsan gobolka Bari ee Puntland, Kooxdaas oo sheegata in ay ka tirsan yihiin Ururka Daacish ee ka dagaallama qaybo ka tirsan Waddamada Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya.
Ninkan ay Ciidammada Millateriga Puntland sheegeen inuu isu soo dhiibay, ayuu magiciisu yahay Cabdillaahi Maxamed Saciid, Dhalasho ahaanna waa Soomaali; sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland.
Taliyaha Ururka 1-aad ee Guutada Horseed ee Ciidammada Puntland Axmed Maxamuud Yuusuf oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Ninkani uu qirtay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish ee Buuraha Galgala iyo nawaaxigooda kula dagaallama Puntland.
Waxa uu Taliyuhu intaas ku ladhay oo uu sheegay in Ninkaasi ilaa hadda aanay ka heyn wareysi faahfaahsan, balse ay dib ka soo sheegi doonaan, isaga oo ragga kale ee ka tirsan wali kooxda Daacish ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.
Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sannadihii u dambeeyey dagaallo kula jira Koox hore uga tirsanayd Al-Shabaab oo dhawr sano ka hor shaacisay inay ka mid noqotay Ururka Daacish ee ka dagaallama Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka tirsan.
Kooxdan Daacish ka tirsan ee Puntland ku sugan, ayaa sannadkii hore la wareegtay Gacan-ku-haynta degmada Qandala, hase-yeeshee muddo 8 bilood ka badan markii ay haysteen, ayey Ciidammada Puntland kala wareegeen dhawr bilood ka hor oo ay dib ugu noqotay degmadaasi Gcaanta Maamulka Puntland.