Dagaallo Aan Waxba La Isula Hadhin Oo Xalay Ka Dhacay Deegaano Ku Yaalla Gobolka Sh/Hoose
Katan-laas:Oct,01,2014(SDN/QJ)-Dagaal xooggan ayaa habeenkii xalay ahaa Deegaanka Kabtan-laas ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhex maray Xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamo katirsan kuwa AMISOM, waxana la sheegayaa inuu keenay Khasaare laxaad leh.
Kabtan Laas waxay ku taal inta u dhaxeysa deegaanada Shalambood iyo Golweyn, waxaana fadhiisimo ku leh Ciidamada Amisom, kuwaa oo muddooyinkii ugu dambeysay saldhigtay deegaankaasi, waxana wararku sheegayaan inay Xoogagga Al-shabaab Fadhiisimadaas kusoo qaadeen Weerarro Gaadmo ah xilli Habeenimo ahayd.
Dagaalkan, ayaa bilowday 7-dii fiidnimo ee xalay, wuxuuna soo gaadhay 10-kii caweysnimo, iyadoo dadka deegaanku maqlayeen hugunka hubka waaweyn oo labada dhinac ay dagaalku isu adeegsadeen.
Dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa xalay culeys xoogan saaray fadhiisimaha Ciidamada Amisom ku lee yihiin Kabtan Laas, isla-markaana waxaa la arkaayay Shabaabka oo si safaf ah madaafiic ugu garaacaaya.
Nin ka mid ah dadkii ka barakacay dagaaladii Golweyn oo xilligaan degan aagga Kabtan Laas, ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu xooganaa, ee uu la kulmay noloshii, ayna dadku ka jooggi kari waayeen hubkii waaweynaa, ee Amisom kaga jawaabeysay weerarka.
Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa isna xaqiijiyay in dagaalkii xalay ay ku kili ahaayeen Ciidamada Dowladda Uganda, isla-markaana ay isla jilbo mudhxeen iyaga iyo Shabaabka.
Dhanka kale waxaa aad u adag in macluumaad rasmi ah laga helo khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka, iyadoo aanay jirin wax war ah oo weli ka soo kala baxay Talisyada Amisom iyo Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa Isniintii ku hanjabay in ay jaanta u roggi doonaan Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com