|

Dagaalkii Maayarka Ceerigaabo iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Iyo Dareenkii Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Ceerigaabo 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Fadeexado is biirsaday oo waji-gabax ah ayaa maalin kaliya Khamiistii wada qabsaday badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ka dib markii lagaga oriyay meel fagaare ah oo Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii ay kula hadlayeen boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo.
Dagaalkii Maayarka Iyo Badhasaabka Fadeexadda koowaad waxay ahayd markii badhasaabku uu fagaarihii madaxweynuhu dadweynaha kala hadlayay uu maamulkeedii ku qabsaday Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, isla markaana uu isku dayay inuu maamulka degmadda kala wareego maamulkii iyo hab maamuuskii meesha, talaabadaasi oo uu sababi gaadhay inay labada masuul gacanta iskula tagi gaadhaan, ka dib markii Badhasaabku uu aflagaadeeyay isla markaana Hooyadii caayay Maayarka Ceerigaabo.
Aflagaadadaasi waxay dhalisay in Maayarka Ceerigaabo uu isku dayo inuu la dagaalamo Badhasaabka Sanaag, hase yeeshee sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo goobta joogay u xaqiijiyeen shabakadda Gudgudenews, Wasiirro ka mid ahaa weftigii madaxweynaha, ayaa qaboojiyay maayarka Ceerigaabo isla markaana ka raali-geliyay aflagaadadii una madax baneeyay agaasinka fagaarihii uu Madaxweynuhu dadqweynaha kala hadlay ee Beerta Xoriyadda ee Magaaladda Ceerigaabo.
Waxa kale oo warku intaas ku daray in Wasiirradu ay Badhasaabka ku war-geliyeen in aanu Maayarka iyo Golaha deegaanka ku qabsanin waajibaadka la xidhiidha degmadda dhexdeeda.

Comments are closed