|

Dagaalkii Ceerigaabo oo maalintii sedexaad galay

Ceerigaabo (QJ) – Dagaal qaraar oo saacado badan qaatay ayaa hadda maalintii saddexaad ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi. Dagaalkan dhexmaray ciidamada SSC Khaatumo iyo ciidamada Somaliland ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana xaaladda magaalada ay noqotay mid qasan.

Muqaal argagax leh ayaa ka soo baxay gudaha magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo muujinaya duqeymo xooggan oo lagu garaacayo xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, kuwaasoo sababay burbur baahsan.

Dagaalka ayaa dhacay xilli ay dad rayid ah ku sugnaayeen gudaha magaalada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay duqeynta iyo weerarada tooska ah.

Labada dhinac ee Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay inay iyadu mas’uul ka tahay colaadda, iyadoo mid walba uu sheeganayo inuu xaq u leeyahay inuu maamulo deegaankaas. Xaalada ayaa noqotay mid aad u adag, iyadoo labada dhinac ay dagaalkooda ku saleeyeen damac siyaasadeed, awood ciidan iyo dhul sheegasho.

Ciidamada SSC Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa inay qabsadeen qaybo muhiim ah oo kamid ah magaalada Ceerigaabo, iyadoo la arkayo muuqaalo muujinaya inay gacanta ku hayaan koontaroolada muhiimka ah ee magaalada.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, SSC Khaatumo ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso degaano muhiim ah oo magaalada ka tirsan, iyadoo ciidamada Somaliland la sheegayo inay isku dayayaan inay iska difaacaan.

Xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa ka sii daraysa, iyadoo dagaalkaasi uu sababay barakac xooggan oo xaafadaha qaar ka dhacay. Dad badan oo rayid ah ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan guryahooda, iyaga oo soo gaaray khasaare naf iyo maalba leh.

Comments are closed