“Dagaalkaasi waa ina hurran yahay, waxana ay noqon doontaa Qaswadii Beder ee Guushii ugu weyneyd Nebiga iyo Asxaabtiisu haleen.”Cali Khaliif
Saax-dheer:July,04,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo Haatan Dibad wareeg ah, ayaa Mar kale ka Hadlay Deegaano ku dhaw Magaalada Saax-dheer ee Gobolka Soool, waxana uu bulshada Halkaas Deggen ku Guubaabiyey inay u diyaar garoobaan Dagaal iyo Guluf ay la galaan Ciidanka qaranka Somaliland.
Xildhibaan Cali Khaliif, waxa uu u sheegay shacabkii uu la Hadlayey in ujeeddada ciidanka qaranka Somaliland yahay inay dhul aanay lahayn ay qabsadaan, intaas kadibna ay muran geliyaan.
Waxa uu tilmaamay inay ku dagaallamaan Magaalooyinka Saax-dheer iyo Buuhoodle, isagoo sheegay Haddii labadaasi Gacanta Somaliland galaan uu halkaas ku dhici doono Gobalka Kooxda Dibad-wareegga ah ee Khaatumo,
“Waxay u dhowdahay in muran laga geli doono oo ay damacsan yihiin inay saaxdheer qabsadaan, waxana ay aaminsan yihin in haddii ay saxdheer qabsadaan in warka khaatumo halkas ku dhammaan doono, Buuhoodlena waxay qabaan in iyadoo aan xabadi ka dhicin inay Durduro ku soo geli doonaan, dhulkana markaa waxa leh ciddii Haysata Adduunweynahana waxay odhan dhulku waa kaayagii dadkuna waa dadkayagii fidno-wadayaashiina waa ka saarnay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Khaliif.
Xildhibaanka Dibad-wareegga ah ayaa shacabkii uu la hadlayey mar kale u sheegay in loo Baahan inay Galaan Dagaalo uu ku sheegay inay la mid yihiin kuwii Beder, ilsa-markaana uu guul ka rajaynayo bishan barakaysan ee Ramadaanta, waxana uu yidhi,
“Dagaalkaasi waa ina hurran yahay, waxana ay noqon doontaa Qaswadii Beder ee Guushii ugu weyneyd Nebiga iyo Asxaabtiisu haleen. Kala Baydh-na waxay inoo jirtaa 30-mile, waxa laga wadana waa ognahayn, Gurmadkiina waa socdaa Dhulkaan soo marnayna Diyaar baa looga Yahay Gurmadkaasuna waa soo socdaa Magaaladeenana waa daafacanaynaa Dhulkeenana waa Xoraysanaynaa.”
Cali Khaliif iyo Kooxdii oo hormoodka u ahaa ayaa muddo kooban ka hor ay ciidanka qaranka Somaliland ka qabsadeen Deegaanka Taleex oo saldhig u ahaan jirtey, waxana intaas wixii ka dambeeyey ay noqdeen Qaar duurka isku qariya oo aan la aqoon meel ay joogaan.
Ciidanka qaranka Somaliland ayaa iyagu heegan Buuxa ugu jira sidii ay hadhaaga kooxdaas u soo qaban lahaayeen, iyadoo shacabka Nabadgelyadadooda la dhawrayo, maadaama kooxdani ay qas iyo fidno muddo ka Wadday deegaanada ay joogaan.
SDN/QJ