|

Dagaalbeeleedkii Mudug oo laga heshiiyay

Gaalkacayo July 21, 2024(QJ) -Qodobo muhiim ah oo ku saabsan xalinta colaada Galbeedka Mudug ayaa maanta lagu heshiiyey deegaanka Maygaagta ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyaan odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada beelood ayaa ku dhawaaqay go’aanadii xabad joojinta ahaa ee ku aadanaa colaada beelahaasi. Waxay go’aansadeen in la sameeyo hanaan hubin ah oo lagu xaqiijinayo dhaqan gelinta tallaabooyinkii horay loo dejiyay ee ku saabsanaa hub ka dhigista maleeshiyaadka ku lugta leh colaadda.

Sidoo kale, waxay fareen ciidamada ammaanka in aysan dhicin dagaal dambe inta laga gaarayo heshiis nabadeed oo rasmi ah, iyagoo garwaaqsaday inay sharci darro tahay in dhismayaal ama deegaamayn laga sameeyo dhulkii lagu dagaalamay.

Waxay kaloo go’aamiyeen in 5-ta Agoosto 2024-ka uu magaalada Gaalkacyo ka furmo shir nabadeed rasmi ah oo labada beelood dhexmara, kaasoo lagu dhameystirayo waan-waanta nabadeed ee dhinacyada dagaallamaya.

Sidoo kale, dhinacyadu waxay isla garteen in wada-hadallada nabadeed lagu soo koobo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay dusha kala socdaan.

Comments are closed