Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taageersan Axmed Godane iyo Abuu Mansuur Al Amriki oo ka dhacay gobolka Bay
Baydhabo April 27 2013 (SDN)– Xiisad u dhaxeysa ciidamada ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Baay ayadoo xiisadaasina ay daba socoto dagaal gelinkii dambe ee shalay ku dhaxemaray ciidamada Al-Shabaab ka wada tirsan deegaanka Raama-Cadeey oo hoostaga degmada Qansaxdheere.
ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay iney kala taabacsanaayeen horjoogaha ugu sareeya Shabaab ee Axmed Godane iyo horjoogaha loo yaqaano Abu Mansuur Al Amriki.
Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkan uu salka ku hayo khilaaf soo kala dhex galay laba horjooge wuxuuna gacan ka hadal isu bedelay markii horjoogaha Ajnabiga ah ee Abu Mansuur uu barta Intarnetka soo dhigay warbixin cabasho ah iyo sawiro muujinaya dhaawac ka soo gaaray isku dayga la doonayay in lagu dilo.
Iska hor’imaadka ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen Afar kamida ah ciidamadii shabaab ee dhexdooda dagaalamay, waxeyna arintani muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka ka dhex oogan kooxda.
Lama Oga halka uu ku danbeen doono iska hor imaadkani dhaxmaray ciidamada kala taabacsan qaarkatirsan horjoogayaasha shabaab aydoona dadka qaar ay arinkani ku macneeyeen mid horseedaya burburka al-shabaab.
SDN-Baydhabo